Fawziya Yuusuf Xaaji oo ku sii wajahan dalka shiinaha
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii wajahan dalka Shiinaha.
Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa la sheegay inay wasiirada ku weheliyaan socdaalka ay ku aadayso magaalada Beijing ee caasimada dalka China.
Waxaana la filayaa in kulankan looga wadahadlo adkaynta xiriirka siyaasadeed ee wadamada Soomaaliya iyo shiinaha iyo sidii dalka shiinuhu maalgashi ugu samaysan lahaa Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa dagaalladii sokeeye ee waddanka ragaadiyay 22 sano.
Inta uu socdaalkani socdo waxay Fawziyo kulan la qaadan doontaa masuuliyiinta ugu sarreysa dalka Shiinaha.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.