Calendar

Fatou Bensouda oo sheegtay inay Kenya ka caawin doonto sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kooxihii weeraray Westgate

Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegtay inay Kenya ugu yaboohayso caawimaad ku aadan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kooxaha gaystay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

Fatou Bensouda oo ah haweenayda dacwad soo oogaha ka ah maxkamadaasi ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay naxariis uu muujinayso dadkii ku dhibaatoobay weerarkaas oo ay sheegtay inuu yahay dambi wayn oo maxkamada caalamiga ah ee ICC ay dacwadiisa qaadi karayso.

“Anigoo xushmad ballaaraan u haya garsoorka jamhuuriyada Kenya ayaan u cadaynayaa dawlada Kenya iyo bulshada caalamkaba inaan diyaar u ahay sidii aan dawlada Kenya uga caawin lahaa in cadaalada la horkeeno kuwii ka dambeeyay weerarkan” ayay tiri Bensouda.

Weerarka lagu soo qaaday xarunta Westgate oo aan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in lasoo afjaro ayaa waxaa ku dhintay 62 qof halka dhaawucuna uu yahay 175 sida ay shaacisay dawlada Kenya, balse hay’adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa dhimashada ku sheegtay 68.

Waxaana maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalku ay haatan dacwadi uga socotaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii fasax lasoo siiyay xilli Kenya ay ka taagantahay masiibo ka dhalatay weerarka lagu qaaday xarunta Westgate.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: