Calendar

Faroole: “Si madaxbanaan ayaan uga qaybgalaynaa shirka Brussels”

525x350xfarta3.jpg.pagespeed.ic.xaJl5nn0Zs (1)Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa jeediyay hadal uu ku durayo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka muuqato muujinta inaanay hoostagin dawlada dhexe.

Faroole oo hadlayay ka qaybgalka Puntland ee shirka New Deal oo ka dhacaya magaalada Brussels ayaa sheegay in Puntland ay si madaxbanaan shirkaas uga qaybgalayso ugana hadlayso danaheeda gaarka ah iyadoon cidina wakiil ka ahayn.

Inkastoo ay Puntland kaalin muuqata ka qaadatay saxiixitaanka heshiisyadii Soomaaliya looga saaray ku meel gaarka oo lagu soo dhisay dawlada haatan jirta ayaad moodaa in hadalka Faroole laga dhadhansanayay inaanu raali ka ahayn in shirkaas uu ku matalo Soomaaliya Madaxweynaha dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waan maqlay in Xassan Sheekh uu meelaha ka lahaa shirka halaga soo wada qaybgalo, taasi ma xuma laakiin Puntland ayadaa danaheeda ka hadlaysa oo shirka ka qaybgalaysa” ayuu yiri Faroole.

Waxaana uu hadalkan jeediyay kadib kulan uu la qaatay wafdi ka socda midowga Yurub oo uu hogaaminayay Agaasimaha Midowga Yurub u Qaabilsan Arimaha Africa Nick Westcott.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: