Faroole oo looga banaanbaxay Galkacyo
Wararka naga soo gaarayo magalada galkacyo gaar ahaan dhinaca Puntland ayaa la sheegayaa in halkaasi ee ka socdaan banaabax looga so horjeedo madaxwaynaha Maamulka Gobaleedka Puntland C/raxman faroole.
Shacab careysan oo boqol kor u dhaafayo ayaa taayaro ku horgabay xarunta Gobalka ee maamulka Puntland Magaalada Gaalkacyo Islamarkaana banaanbaxyaasha ay ku dhawaaqayaan erayo ay kamid yihiin “dooni meyno caburinta Faroole dooni meyno mudo kororsiga Faroole” iyo ereyo kale.
Masuuliyiinta Puntland wali ma aysan ka hadlin banaabaxa ka socdo waqooyiga galkacyo ee looga so horjeeda Mudo kororsiga Maamulka faroole.
Banaanbaxa maanta ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ku soo beegmay kadib markii Magalada garoowe habeen hore lagu xiray nabadoono kasoo jeeda Gobalka Mudug iyo Bari.
Comments
comments