Faroole oo furtey Xisbi cusub – Sawiro
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqey xisbi cusub uu ka furanayo deeganadda Puntland.
Shir wayn oo ka dhacay magalada Garowe ayaa madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uga dhawaaqey xisbigii ugu horeyay ee laga dhiso deeganada Puntland kaas oo loo bixiyey Xisbiga Horseed.
Faroole ayaa in muddo ah waxa uu ku celcelinayay iney doonayaan iney sameystaan hab asxaabta si ay uga gudbaan habka ay hada lagu dhiso maamulka Puntland ee qabaa’ilka.
‘Maanta oo Arbaco ah waxaan ku dhawaaqney ururka xaakimka ah ee Dowladda Puntland ,waxaan aaminsanahay inay ku farxi doonto cid kasta oo Puntland joogta iyo Somalida wanaagsan jecel” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xisbigan cusub uu ka shaqeynayo nabadda, midnimada, sinnaanta iyo caddaaladda.
Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilowga sanadka cusub uga egyahay muddada xilka loogu talagay inuu hayo, mana cado sida ay haatan ku dhici karto doorasho ay dadweynaha soo doortaan madaxwenaha xigi lahaa iney ka dhici karto deeganadda Puntland.
Comments
comments