read more »">
Calendar

Faroole “Alshabaab waa dad qalato…xageebay shareecada kaga taalaa in la qarxiyo…..”.

farooleBartamaha (Garoowe):- Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Alshabaab ay yihiin kuwa ka fog shareecada Islaamka.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo ka hadlayay sanad guurada 12-aad ee Maalintii la aas aasay Dowlada Puntland ayaa si aad u kulul u weeraray qaab dhaqanka Kooxda Shabaab oo uu sheegay in aanay shareecada aqoonin.

“Alshabaab waa dad qalato oo aan diin lahayn ,war xageebay shareecada kaga taalaa in la qarxiyo Caruurta,Haweenka iyo waxgaradka….ma aha wax shareecada Islaamka qabto waana koox la mid ah dad qalatada caadiga ah oo waxa ay iska gowracaan Dadka Bini’aadamka ah….” ayuu si cara leh u gu tilmaamay madaxweynaha Kooxda Shabaab .

Madaxweynaha waxa uu dhanka kale sheegay in Sheekh Atam uu doonayo in Puntland uu ku soo dhaweeyo Al-Qaacida iyo Kooxdaasi shabaab taasina ay tahay mid ka hor’imaanaysa jiritaanka shacabka Puntland.

Madaxweyne C/raxaam Maxamuud Faroole waxa uu daaha ka qaaday in Dowladiisa ay la dagaalamayso dhammaan dadka xiriirka la keh Alshabaab iyo Al-qaacida oo doonaya in Ciida Puntland ay keenaan Fekerkaasi.

Madaxweynaha waxa uu dhanka kale sheegay in awood walba ay la kaashanayaan burburinta kooxda doonaysa in Puntland laga abuuro Alshabaab oo ah koox ku dhisan qaabka dilka iyo qarxi9nta Bulshada sida uu hadalkiisa u dhigay Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayay Bulshada Puntland.

Hadalka ka soo yeeray Dowlada Puntland ayaa imanaysa xilli dhawaan la dareemay in Alshabaab uu xiriir suke kala dhexeeyo Wadaadka ku jira dhulka Buuralada ah ee Gobolka Bari kaasi oo bilaabay dagaal uu uga hortago Dowlada Puntland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: