Farmaajo oo la kulmay Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Jabuuti (Dawo Sawirada)
Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Waasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Safiirka jabiiti u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho gaaray.
Safiirka Dowladda Djibouti u qaabilsan wadankani Soomaliya Ambassador Dayib Dubbad Rooble oo Muqdisho soo gaaray ayaa maanta la shiray Ra’iisul Wasaaraha kursiga dhawaan fariistay.
Ra’iisul Wasaare Farmaajo iyo Ambassador Dayib ayaa waxa ay ka wada hadleen qaabka Jabuuti u taageerayso Dowlada Soomaaliya iyo rajada wanaagsan oo ay ka qabto in nabad ka dhacdo dalka.
Safiirka oo kulanka Farmaajo ka dib saxaafada war siiyay ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Jabuuti u taagan tahay garab qabashada Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo dhibaata badan soo wajahday.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments