read more »">
Calendar

Farmaajo oo guddi u saaray daminta colaad ka aloolsan Mudug (Wa-safaaxadeed)

farmajoBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed uu ku magacaabayo guddi loo saaray xalinta dagaal beeleed ka socanaya Gaalkacyo iyo baaq uu dirayo Ra’iisul Wasaaraha.

Warsaxaafadeed

Arbaco.08.10……….R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay soo gaareen dagaallo beeleed laga soo sheegay Gobolka Mudug awgood ayuu mar kale dhambaal u jeedinayaa beelaha degan Mudug inay joojiyaan Colaadaha wadahadalna ku xaliyaan khilaafaadka ka dhex aloolsan.

“Maamullada, Odayaasha, waxgaradka, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool Gobolka Mudug waxaan u jeedinayaa farriin ku saabsan nabad ku wada noolaasho iyo wixii khilaafaad ah oo dhan in lagu dhameeyo laguna xaliyo sidii Soomaalidu xag diin iyo xag Dhaqan u laheyd oo ahaa in Shareecada islamaka iyo dhaqanka Soomalida lagu dhameeyo” ayuu yiri R/Wasaaraha Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMg-ka ah ee Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo wuxuu isla manata magacaabay guddi uu hogaaminayo R/wasaare Ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah Dr, C/weli Maxamed Cali, Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/Shakuur Sh. Xasan faarax, Xildhibanno iyo mas’uuliyin kale kuwaas oo si dhoos ah u tegi doona Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si ay u soo xalliyaan Xiisadahaasi u dhexeeysa Beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada degan.

Dhinaca kalena warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha ayaa looga hadlay Abaaraha ka jira wadanka,waxa uuna u qornaa sida hoos ku xusan.:-

Warsaxaafadeed ku aadan Abaraha ka jira dalka.

Arbaco/08/12/10.  R/wasaaraha Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed isagoo tixraacaya warar ku saabsan abaaro daran oo ka taagan Dalka Soomaliya ayuu sheegay in mar waliba ay shacbiga Soomalaiyeed uga gudbi jireen aafooyinkan oo kale Alle bariga in la badiyo iyo iyago dhexdooda isu gargaara si wadajir ahna u badbnaadiya dadka iyo Duunyadaba.

“Sida taariikhdu xuseyso Midnimo, wadajir iyo Iskashi ayay Ummadaha Adduunku uga gudbaan aafooyinka ku dhaca, annaga oo ah ummad Islam ah waxa lagama maarmaan ah in Gobol iyo degmo kasta laga sameeyo Rabbi tuug si naxariista Eebbe aan uga gudubno dhibaatooyinkaasi” ayuu yiri R/wasaare Farmaajo.

R/wasaaraha Soomalaiya wuxuu fariin u diray Beesha Caalamka oo uu ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii abaarahaasi dalka ka taagan ummadda looga samatabixin lahaa.

Xukuumadda Federaalka KMG-ka ee Soomalaiya ayuu sheegay R/wasaaruhu inay intii karaankeeda ah waxba ka hagran doonin sidii dadka iyo Duunyadaba looga badbaadin lahaa abaarahaasi.

Xafiiska warfafinta

Media @opm.gov.so.


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: