Calendar

Fanaanka Akon oo Hees cusub u sameeyay Koobka aduunka 2010, FIFA arrintaas maxay ka tiri?

akon, keri$ thier bands
“Oh Africa” waa hees cusub oo uu qaaday fanaanka weyn ee Akon ayna la qaadeeyso Fanaanada Keri Hilson oo labadoodaba ay ka soo jeedaan dalweynaha Mareykanka.

Heestan cusub oo shaaca laga qaaday January 31, 2010 ayaa ah hees loogu tala galay in lagu caawiyo dhalinta Africa iyo dhalinta dalka Haiti oo dhawaan uu dhul gariin ku dhuftay.

Heestan oo marka aad daawatid aad ku arkeeyso in ay tahay hees si ahaan loogu tala galay Koobka Aduunka laxanka iyo qaabka loo sameeyayne waa qaabka uu heesta u sameeyay una qaaday fanaankii weynaa  K’naan oo  ah wii asal ahaan ka soo jeeda dalka soomaaliya balse haysta dhalashada wadanka Canada.

Heestan cusub oo Fanaan Akon iyo Keri ay ku luuqeenayan waxaa la jiibiniya dhalinyaro aduunka laga soo xullay.

Heesta cusub marka aad daawato waxa kaaga muuqanaya Ciyaaryahano ay ka mid yihiin Fernnando Torres oo ah xidig u ciyaara kooxda Liverpool iyo Xulka qaranka Spain, Drogba oo ah weeraryahan u ciyaara kooxda Chelsea iyo xulka Qaranka Ivory Cost,  iyadoo Marka aad ciyaarahano iyo Calanmo dalal badan oo Caalamka aad ku aragto muuqaalka heestan ayaad  waxaad dareemeeysa in heestan loogu tala galay koobka Aduunka ee bisha June sanadkan ka furmi doona dalka Koonfur Afrika.

Baslse xiriirka kubada cagta ee aduunka FIFA ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin hees danbe oo loo qaado koobka aduunka maadaama ay u doorteen Fanaan K’naan in uu noqdo fanaanka qaadi doona heesta furitaanka ee koobka aduunka.

K’naan oo ah Fanaan Somaliyeed balse dhalashada dalka Canada ayay xiriirka kubada cagta ee FIFA u doortiin heestiisa Waving the flag in ay noqoto heesta furitaanka Koobka aduunka ee sanadkan lagu qaban doono dalka South Africa

Lexanka heesta Fanaanka weyn ee caanka ah ee K’naan koobka aduunka lagu furi doono waxaa ka mid ah erayadan hoos ku xusan.

When I get older I will be stronger
They call me a freedom just like a waving flag
And then it goes back, And then it goes back
And then it goes back.
Ibraahim Da’ud Abdalle.

Madaxa Wararka Kenya.

[email protected]

Nairobi, kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: