read more »">
Calendar

Fanaanada qaranka Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) oo maantay Xamar ka dagtay

Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed Hudoon (Hiba Nuura) ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho muddo 22-sano ah, mudadii bur burka oo ay ka mid aheyd Fanaaniintii dalka ka hayaantay.

Fanaanada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyay Fanaaniin iyo Mas’uuliyiin, iyadoo ku timid marti qaad uu u fidiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Fanaanada Hiba Nuura ay ku soo dhoweeyaan caasimada, isagoo xusay tani muujineyso ammaanka ka hana qaaday magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in fanaanadan ay casuuntay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ka qeyb qaadaneyso howlaha dib u soo nooleynta Fanka Soomaaliyed iyo barnaamijka deriseynta.

Fanaanada caanka ah Hiba Nuura ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dalka dib ugu soo laabato muddo sanado ah, iyadoo intii ay hadleysay indhaheeda ka soo daadanayay ilin, waxaana codkeeda ahaa mid aad u qiireysan oo laga dareemayay farxad.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in dalka aan ku soo noqdo oo aan arko hawadii macaaneyd ee Muqdisho, runtii waan u hiloobay, aan mar’uun Soomaaliyeey hishiino oo aan la soo baxno Kheyraadkeena oo aan hodanka ka nahay marka loo fiiriyo Afrika, Allow dal Nabad ah, dadka oo u dareera dugsiyada oo dhiga Hubka , allow nabad Allow Nabad”ayay tiri Hiba Nuura.

Fanaanada ayaa ka mid aheyd hoboladii qaranka ee Waabari, iyadoo lagu xusuusto heeso iyo ruwaayado ay ka dhigtay Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: