Calendar

Famil-ka Lamaanaha Ingiriiska oo Lacag bixiyay.

Paul iyo Rachel Chandler

Paul iyo Rachel Chandler

Bartamaha (Nairobi):- Paul and Rachel Chandler oo ah Lamaane u dhashay dalka Ingiriiska ayna Burcadbadeed Soomaali ah ku afduubteen Biyaha Caalamiga ah gaar ahaan meel waxyar u jirta Waqooyiga Jasiiradda Seychelles bishii Octobar.

“Waxaa na soo gaartay lacag gaareeysaa $430,00 (Afar Boqol iyo Sodon kun), waxayna lacagtan Qeeb ka tahay $800,00 oo aan horay u dalbanay, lacagta ay noo soo direena way na soo gaartay” sidaa waxaa yiri Saciid Cali Cusmaan Suge oo ka mid ah Burcadbadeeda Soomaalida.

Saciid Cali Suge ayaa sidoo kalle wakaaladda wararka Ee Reuters u sheegay in lacagta inta ka dhiman ay soo diri doonaan Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska.

Soomaalida dalka Ingiriiska ku nool ayaa dadaal badan u gal sidii loo sii deen lahaa Lamaanahan u dhashay dalka Ingiriiska ee Burcadbadeeda Soomaalida ah ay heestaan ku dhawaad Sanad.

Burcad badeeda ayaa horay u dalbay lacag gaareeysaa $7 Milyan oo Dollar balse rabitaankooda waxa ay hadda ku soo kobeen wax ka yar $1 Milyan hadii lacagtaas ay helaana Burcadbadeeda waxa ay xoriyadooda siin doonaan Laamahan u dhashay dalka Ingiriis-ka.

Burcadbadeeda Soomaalida ah ayaa inta badan caan ku ah afduubashada Maraakiibta ganacsi inkastoo dalal badan oo Midowga yurub ugu horeeyo ay dadaal badan ku bixinayaan sidii looga hortagi lahaa khatarta Burcadbadeeda oo marba marka ka danbeeysaa sii kordheeysa.

————–
Tarjumidii www.Bartamaha.com

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.

xigasho.. Reuters

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: