Calendar

Fadhigii Baarlamanka oo baaqday iyo Kulamo xasaasi ah oo socanaya.

baarlamankaaBartamaha (Muqdisho):- Kulankii guud ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday xilli la doonayay in Xukumada ay kalsooni soo waydiisato Baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa dib u dhac ku yimid kulan maanta lagu waday in Xukumada KMG ah ay kalsoonida soo waydiisato Baarlamanka kaasi oo ka dhici lahaa gudaha Muqdisho iyadoo warar kala duwan ay soo baxayaan.

Gudoonka Baarlamanka ayaa ka gaabsaday ka hadalka baaqashada kulankii maanta lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo Xukumada ay kalsoonida ka soo dalban lahayd Baarlamanka KMG ah.

Warar soo gaaraya Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in Xildhibaano badan ay iskaashi sameeyeen kuwaasi oo doonaya in Xukumada Kalsoonida aan la siinin iyagoo Muqdisho ku qaadanaya kulamo gaar gaar ah.

Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Siyaasada Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Muqdisho ku qaadanayay maanta Kulamo kala gaar ah si ay u mideeyaan qorshe ay ku doonayaan in afka ciida loo daro Xukumada Cusub.

Dhanka Xukumada ayaa la sheegayaa in ay wado dadaal xoog badan iyadoo Saaka mudanayaal badan lagu arkayay aqalka Ra’iisul Wasaaraha kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay doonayeen la kulanka Mr.Sharma’arke.

Isku soo duub lama oga xiliga rasmiga ah ere Xukumada ay hor’imaanayso Baarlamanka Soomaaliya iysadoo Shariif Xasan oo saaxiib dhow la ah Sharma’arke la aaminsanyahay in uu masuul ka ahaa baaqashada maanta ee Kulankii Baarlamanka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: