Calendar

FADEEXAD: Xatooyada Wararka Raxanreeb.com oo Meeshii ugu Sareysay Gaartay Iyo Digniin Ku Socota Kooxaha Ku Lugta Leh

fadeexoUgu horeyn mahada Rabbi ayey u sugnaatey oo na ahaysiiyey, kana dhigay aadanaha mid sharaf leh isla markaana u hibeeyey caqli lagu kala saaro XUMAHA IYO SAMAHA.

Tan iyo burburkii dowladii dhexe Soomaaliya, bulshada Soomaalida kuwooda da’da yar waxaa caadi u ahayd inay ku indho kala fureen sharci darro, fawdo iyo nidaam la’aan soo jiitantay mudo kor u sii dhaafeysa labaatan sano. Taas micneheedu waxaa uu noqonayaa in hay’adaha warbaahinta Soomaalida ay ka mid noqdeen sharci darrada, fawdada iyo nidaam la’aanta dalka ku habsatay.

Shaki kuma jiro in saxaafada Soomaaliyeed isbedel weyn sameysay wixii ka dambeeyey 1990-kii markii ay dhacday dowlada, waxaana caddaan ah inay aas aasmeen xarumo warbaahineed ayna soo bexeen jiil cusub oo hogaanka u qabtay tiirarka warbaahinta. Hase yeeshee waxaa dhinaca kale soo muuqaneysay nasiib darro bar madow ku noqotay haybadii iyo karaamadii ay lahayeen suxufiyiinta Soomaaliyeed, lamana dafiri karo inay jireen welina jiraan suxufiyiin xirfadlayaal ah oo maahir ku ah hawshooda runtiina ay mudan tahay in lagu amaano.

Hase ahaatee isha kama qarsan karno kamana aamusi karno inaan farta ku fiiqno oo aan bulshada u soo bandhigno kuwa burushka wasaqeysan kula dhex wareegaya warbaahinta isla markaana caadeystey inay ku shaqeystaan hab minguurin damiinimo ku dheehan tahay. Falkaasi oo runtii xadgudub iyo meel ka dhac ku ah xeerarka xuquuqaha qoraalka ee la isku raacsan yahay.

Warbaahinta RBC Radio ( www.raxanreeb.com) oo ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee Soomaaliya waxaa in dhoweydba ay qaati ka taagneyd kooxo qowleysato saxaafadeed ah oo isku dayey kuna hawlanaa inay wararka, warbixinada iyo faallooyinka xiisaha leh ee ay soo bandhigaan hawlwadeenada Raxanreeb.com u rogaan siyaabo ama waddooyin kale.

Kooxahan oo sheegta magacyo warbaahineed waxay ka xishoon waayeen falka axmaqnimada ah ee ay ku sheegtaan qoraalada Raxanreeb.com oo ah kuwa laga taxadaray waqti badana la geliyey.

Waxaa jirta oraah caan ah oo oraneysa “Ruuxna Aqoonsiga Naftiisa Ma Siin Karo” taasi oo qeexaysa in wanaag iyo samaan hadba kii aad ku lug yeelato bulshadu ay kuu xisaabin doonto, Bulshaduna waa marqaati xog ogaal u ah waxyaabaha dhacaya noocyo kasta oo ay yihiin.

Raxanreeb.com kuma faaneyso kaliya inay tahay barta hogaamiyaha (leading source) ee shabakadaha wareed, balse waxaan sidoo kale qireynaa inaanu aminsanahayn kuna dhaqano hababka caalamiga ee khuseeya warfaafinta sida Xuquuqda qoraalka (copy rights), xigashada (source) iyo waxyaabaha xaqa gaarka ah ee qof, koox ama urur leeyahay (privacy) kuwaas oo dhamaan ay waajib ku tahay hawlwadeenada warbaahinta inay qadariyaan.

Marka la sameynayo hay’ad warbaahineed ama ay hawada ku soo biirto waa inay yeelataa dhamaan qorshayaasheeda shaqo iyo hababka warbixinada iyo wararka ay ugu soo gudbin lahayd bulshada akhrisata/ dhegeysata/ daawata,  taasoo macnaheedu yahay in hay’ad kasta oo warbaahineed aas aaskeeda ka hor laga sii baaraan dego. Balse waxaa haatan caddaan ah in qaar badan oo ka mid ah warbaahin ku sheega Soomaaliya aysan lahayn wax qorshe ah iskaba daa inay yeeshaan wariyaal ka hawlgala.

Arintaasi waxay horseed u noqotay in ay soo baxaan kooxo tuugeysi ku qaraabta oo iyagoo adeegsanaya magacyo “wariyanimo” shaqadooda noqotay soo guurinta (copy) warbixinada shabakadaha kala duwan.

Haddaba maamulka Raxanreeb.com waxaa uu go’aansaday in bulshada u soo bandhigo fadeexadan ku saabsan falalka tuuganimada ee ay ku kacaan boggaga internet-yada qaarkood kuwaasi oo ceeb iyo lama arkaan ay uga daran tahay iyaga oo wata magacyo idaacadeed.

Waxay shabakada Raxanreeb.com soo bandhigtay qoraal ku saabsanaa daraasad ay soo saartay hay’ada Cilmi baarista ee PDRC oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe, qoraalkaasi waxaa lagu soo bandhigay shir ay PDRC ku qabatay magaalada Garowe intii u dhexeysay 24-26 May 2010.

Hawlwadeenada Raxanreeb.com iyagoo eegaya muhimada daraasadaasi iyo sida ay waxtarka ugu leedahay bulshada in la faafiyo ayay ku dhiiradeen inay dib u soo qoraan warbixin dheerna ka diyaariyaan daraasadaasi taasi oo lagu daabacay bogga Raxanreeb.com habeenimadii Talaadada (http://www.raxanreeb.com/?p=51558 waqtiga Soomaaliya). Waxaa xusid mudan in qoraalka daraasadaasi dadaal badan oo aan sameynayo aanu markii hore weynay isagoo diyaarsan (soft copy ahaan) waxayna taasi nagu kaliftay inaan dib markale u garaacno (re-typing) si aan computerka u gelino qoraalka oo dhameystiran una daabacno.

Hase ahaatee waxaa la yaab iyo fajac noqday markii website-yada qaarkood ay maalmo ka dib iyagoo soo guurinaya xogtii Raxanreeb.com ay dib u saaraan xagga sare ee bogagooda, iyagoo xitaa garan waayey in warbixinta ay qorayaan aysan wax isbedel ah lahayn.

Raxanreeb.com waxaa warbixinta lagu daabacay Talaadada 1-dii June 2010 saacada 11:02 am http://www.raxanreeb.com/?p=51558

Hoos ka eeg website-yada ka tuugeystay warkaan iyo taariiikhda ay qoreen:

1- Somaliweyn waxay qortay Garowe Wednesday 2 June 2010 SMC http://www.somaliweyn.org/pages/news/June_10/2June19.html

2- Galgalanews waxay qortay June 2, 2010: http://galgalanews.com/index/?p=1781

3- Booosaasolife waxay qortay Written by news on 01 June 2010 : http://boosaasolife.com/?p=2322

4- Dayniile waxay qortay 02.06.2010 : http://www.dayniile.com/June2010/02June9.htm

5- Alcarab waxay qortay –02/06/2010: http://www.alcarab.com/warsom/?id=123

Raxanreeb.com waxaa ku filan inay ahayd shabakadii ugu horeysay ee soo banaan dhigta warbixintan weliba iyadoo akhristayaal badan ay akhristeen halka ay kooxahan maalmo ka dib ay la ordayaan.

XUSUUSIN:
Dhamaan shabakadahan markaad eegto waxay adeegsanayaan hal cinwaan oo xitaa way garan waayeen inay isticmaalaan cinwaano kala duwan taasi oo ah nasiib darro kale.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘War la qabaa xiiso ma leh!’ oo micneheedu yahay sheeko la sii ogyahay inaysan nuxur badan yeelaneyn, waxaanse is weydiinayaa nimankan xaggee taasi ka martay?.

Ragga qora website-yadan kama aysan fekerin in ay waxa ay sameeyeen inay tahay guurin kaliya oo aysan waxba ka bedelin tii saxda ahayd ee Raxanreeb.com, taasi oo dadka maanta ka wada dheregsan yahay.

Haddaba akhristow, waxaa halkan kaaga muuqaneysa saddex arimood oo fadeexad ku ah shabakadahan isla markaana hoos u dhigeysa magacooda.

1- Marka hore inaysan dadka warbixinada xatooyada ah galiyey shabakadahan ahayn dad fahamsan xeerarka iyo shuruucda qoraalka.
2- Marka xigta shabakadahan waxay cadeeyeen inaysan dooneyn ama aysan lahayn khubaro wax qorta oo ka fekerta diyaarinta warbixinada sidaasi darteedna ay ku filan tahay oo kaliya in min hal warbixin maalintii ka soo xadaan afar ama shan warbaahin oo kale.
3- Waxay fadeexad u hoorseedeen masuuliyiinta shabakadaha oo laga yaabo inaysan waxba kala socon arintan.

Ma aha warbixintan iyo mid labaad oo kaliya waxyaabaha laga guuriyo ee sida dhuumashada ah looga dafo Raxanreeb.com balse waxaa jira warbixino badan oo horey loogu sameeyey falkan oo kale, hase yeeshee waqti xaadirkan ma soo bandhigeyno kuwaasi, waxaanse la sugeynaa waqti ku haboon.

Marka dib loogu laabto shuruucda u degsan saxaafada waxaa ceeb ah oo reeban in bililiqo loo geysto agab ay leedahay hay’ad kale ama wariye kale uu leeyahay (plagiarism) taasi oo haddii la isku qabsado sahleysa in maxkamad lala tiigsado.

Shuruucda qoraalka waxay fasaxayaan xigashada sida xalaasha ah loo maro, hase yeeshee waa in ay ku ogtahay cidda ay xiganeyso. Haddiise ayan dhicin waxay la mid tahay xatooyo (plagiarism).

Maamulka Raxanreeb.com iyagoo ka faa’ideysanaya fursadan waxay mahadcelin u jeedinayaan dhamaan bahda saxaafada Soomaaliyeed ee na xigta marka ay qaataan warbixinadeeda kuwaasoo isugu jira shabakado, idaacado,telefishano, wargeysyo iyo wakaalado wareed intuba iyagoo tixgelinaya sharciga warfaafinta iyo xuquuqaha jira oo dhan.

Talo bixin iyo Gunaanad

Haddaba waxaan kula talineynaa in kooxahan iyo kuwa kale ee qarsoonba inaysan sharafta isaga qaadin magaca hay’adooduna ku baabi’in xatooyada shabakad kale, taasi oo haddii ay sii socoto dhulka gelin doonta sumcada yar ee ay sugayaan. Waana inaad ogaataan wariyuhu waa ruuxa wax baara, soo dhirandhiriya ka dibna ku dhiirada inuu si haboon oo fudud u soo bandhigo.

Waxaana dadweynaha u balanqaadeynaa inaan sidaan oo kale daaha uga qaadi doono oo banaanka u keeni doono kuwa sidan oo kale u dhaqma ee isku dayaya inay bulshada ku dhex gabadaan.

Waxaa talo kale siinayaa suxufiyiinta da’da yar ee niyada iyo xiisaha u haya saxaafada inay niyadooda u adeegsadaan sidii ay wax u baran lahaayeen oo ay waqtigooda uga faa’ideysan lahaayeeb, halka ay waqti ku lumin lahaayeen minguurin.
Ugu dambeyntii, waxaan ku soo xirayaa qoraalkeyga Maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa ‘XALAAL MAALIN BAA LA QUUTAA’ oo ah maahmaah runtii xambaarsan nuxur aad u weyn una baahan in la fahmo.

Haddii aad dooneyso inaad wax ka barato xeerarka caalamiga ee khuseeya saxaafada waxaad booqan kartaa bogagan:-

- www.oneworld.org
- www.article19.org
- www.icdl.open.ac.uk
- www.bbc.co.uk/education/home

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: