Fadeexad iyo Musuq-Maasuq Hareeyay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Yemen (www.Bartamaha.com):-Soomaaliya, waxa ay safaarado ku leedahay wadamada Afrika iyo Carabta , intooda badan waxa ay ku lug yeeshaan arrimo musuq-maasuq maaliyadeed iyo ku takrifal dhaqaalaha safaaradaha soo gala iyo inay safaaradaha ka shaqaaleysiiyaan dad ku qabiil ah oo aaney Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxba kala socon ,soona magacaabin , safaaradahaasi waxaa ka mid ah Yemen , India, Pakistan , Maleysia , Kenya,UAE,KSA,Bahrein ,Kuweit,Indonesia ,Uganda iyo kuwa kale .
Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Sanca ee Caasimadda Yemen waxa ay gashay marxalad murugo leh dabayaaqadii sanadkii hore 2010-ka ilaa iyo haatan, oo muran xoogan uu ka dhex jiro.
Dhismaha Safaaradda ay hadda ku shaqeyso waa mid kiro ah oo dowladda Yemen ay bixiso lacagta kirada, waayo weli laguma shaqa bilaabin dhulkii safaaradda ay ku laheyd Sanca.
Safaaradda waxaa maamula Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah siihayaha Safaaradda, iyaa waxaa hareeyey howlomusuq-maasuqa oo uu kula lamaansan yahay Amiin Sayid Axmed oo ah u qaabilsanaha arrimaha nabadgelyada Safaaradda.
Mukhtaar Maxamed Xasan – waa siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Sanca , waxa uu ka ganacsadaa Viisooyinka lagu galo wadanka Turkiga isagoo adeegsanaya Diplomatic Passport noocii hore ee dowladdii Milatariga, waxaana uu kala baxaa viso kasta lacag dhan $ 10,500 USD.
Taasina waxay fursad qaali ah u siisay inuu bil ka kahor uu iibsaday Mas’uulkani baabuur nooca raaxada ah oo loo yaqaan magaca (Infiniti luxury car) oo qiimihiisu yahay $35,000 USD.
Safaaradda soomaaliya ee sanca –Yemen waxaa ka jira is qabqabsi iyo musuqmaasuq la musuq-maasuqayo lacagaha soo gala Safaaradda, deeqaha waxbarashada ee ay bixiso Yemen iyo dacwado ka imaanayey hawlwadeenadda dhexdooda oo run ahaantii dilay sharaftii, sumcadii safaarada iyo diblumaasiyiinta soomaaliyeedba.
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Yemen Mukhtaar Maxamed Xasan , wuxuu safaaradda ka shaqaaleysiiyay howlwadeeno aaney soo magacaabin Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya , si uu lacag u lunsado wuxuu awood ku maquunsaday jagooyinka Safaaradda ee kala ah Arrimaha qunsuliyadda iyo maaliyadda , waxa uu ku dhaqaaqay inuu iskii u magacaabo Xoghaye Seddexaad oo aan horey looga baran Safaaradaha oo ku ekaa Xoghayaha koowaad iyo labaad oo qura.
Mukhtaar oo aan si rasmi ah weli loogu magacaabin xilka safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Sanca ayaa waxa uu wajahayaa la xisaabtan , xilli Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda FS ay ku howlan tahay nidaaminta shaqada safaaradaha ,wax ka badalka safiirada iyo dhaqan-gelinta anshaxa sharfan ee diblomaasiyadda , waxaana la filayaa in Mas’uuliyiinta cusub ee Wasaaradda sida Wasiirka ,Wasiiru-dowlaha ,Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha guud inay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah oo dib boorka looga jafi doono dabacsanaanta shaqo ee safaaradaha iyo khilaafaatka qabiil ee had iyo jeer ay lugta la galaan shaqsiyaadka loo magacaabo.
Siihayaha xilka Safaaradda Soomaalida ee Yemen iyo u qeybsanaha arrimaha ammaanka ee safaaradda waa laba mas`uul oo isku bahaystay dhibaataynta iyo hagardaamaynta, waxa ay ka mid ahaayeen dublumaasiyiintii hore oo qaybta ka haa dhibaatadii ka taagnayd safaaradda Soomaaliya ee Yemen, waxa ay ceyriyeen dhammaan shaqaalihii horay uga shaqayn jiray safaaradda , iyagoo aan la tashan Wasaaradda arrimaha dibadda , wax go’aana ka heysan , waxayna badalkooda qorteen shaqaale cusub oo ku qabiil ah qaarkood , si ay fursad ugu helaan hanti boob iyo wax lunsasho , waxa ay isla go`aansadeen inay si wada jir ah ula dagaalamaan diblumaasi kasta ee lagu soo qoro safaaradda , iyagoo adeegsanaya dhaqaalha ay ku heleen sida sharci darada ah ,waayo midi waxa uu dagan yehay guriga safaaradda ilmana uma joogaan , midka kalana waxa ay dawladda Yemen siisaa mushaar dhan ( 1000 $ ) Kun doolar ilmo iyo xaas toona uma joogaan sanca , waxa uuna haystaa baasaboor Isweden ah oo uu ku qaato lacagta loo yaqaano Cayrta .
Labadani Mas’uul waxa ay go`aan sadeen in sidii ay rabaan ugu takri falaan dakhliga yar yar ee ka soo xarooda qunsuliyadaa , maadaama ay labadoodu dhaqaale xad dhaaf ah ka helaan fiisooyinka Turkiga , oo ay u kala qaybsadeen in midna uu dadka xambaaro waa Amiine , midna uu soo saaro fiisooyinka waa Mukhtaare oo isna uu halkaa ka helo lacag farabadan .
Amiin maadaama uu dadka xambaaro, waxaa uu samaystay wiilal kukhalasiin ah oo arintaa uga shaqeeya, waxa uu yahay xafiiskiisu kan ugu mashquulka badan safaaradda, maadaama ay ka socdaan hawlo mukhalasiin ah.
Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda FS ayaa waxa ay ka dalbadeen Wasaaradda arrimaha dibadda inay farageliso howsha safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Sanca oo khilaaf shaqaalaha dhexdooda ah iyo ku takrifal dhaqaale baahsan uu ka jiro.
W/D: Sacdiya Muuse “Magool” Muqdisho-Soomaaliya
Sawiradda ku li faaqan fadeexadan waa kuwan:
Comments
comments