Calendar

Faallo: Mr R. Owino macalin Kenyaan ah oo tababar siinaya Tababarayaasha Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya

kolay1

Waxaa dalka Jabuuti ka furmay wax loogu yeeray tababarka Kubadda Kolayga heerka 1aad ( Technical Courses for Coaches Basketball) 02-11 Feb 2010 Djabouti, islamarkaana ay si wadajir ah u soo wada agaasimeen GOS/XSKK iyo Olympic Solidarity.

Waxaa kale oo ka soo qayb galay furitaanka barnaamijkaan ay wadato Kooxda GOS  ku simaha Wasiirka Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya iyo Wasiirka Isboortiga dalka Jabuuti, kuwaasoo aad moodo inaysanba la soconin qorshaha Kooxda GOS iyo nimanka Olympic Solidarity kula shirkada ah lunsashada hantida lagu soo qaado horumarinta Isboortiga iyo lugooyada dadka Soomaaliyeed.

Tababarka waxaa bixinaya macalin u dhashay dalka Kenya magaciisana lagu sheegay in la yiraahdo Macalin R.Owino, islamarkaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko tababarayaal 21 gaaraya oo isugu jira rag iyo haween oo u diyaarsan inay ka qayb galaan horumarinta kubadda kolayga, macalinka ayaa u balan qaaday  ardayda ka qaadanaysa casharada inuu u gudbin doono aqoonta uu u leeyahay dhinaca tababarka Kubadda Kolayga.

Macalinka Kenyaanka ayaa ku faanay tababarka uu bixinaya uu ku salaysan yahay hab la jaanqaadaya Basketbalka Caalamka, islamarkaana  uga mahadceliyay fursada shaqo ay siiyaan Kooxda GOS.

Markaan saakay ka aqriyay website-yada qaarkood arinkaan ayaa aqriyay kadibna ay ila noqatey wax aan aad ula yaabo islamarkaana aan laqi karin waayo inaan ka aamuso masuqmaasuqa iyo xaqiraada ay ku hayaan guud ahaan Isboortiga Soomaaliyeed hogaamiye kooxeedka GOS .

Waxaan umadda Soomaaliyeed rabaa inaan sharaxaad kooban ka siiyo sida aysan macquul u ahayn inaan aqbalno in dadka Soomaaliyeed xaqooda in ay xaqiraan koox dano gaar ah ka leh barnaamijyo dano laga leeyahay waayo macquul ma  ahan in macalin Kenyaan ah uu casharo siiyo ardayda Soomaaliyeed iyadoo ay joogaan macalimiin qibrad iyo aqoon waayo aragnimo badan u leh barnaamijka tababarida Kubadda Kolayga heerka kowaad iyo heerka Labaad.

Tusaale ahaan dalka Soomaaliya ayaa Kubadda Kolayga 200% kaga wanaagsan  dalka Kenya xag walbo hadii ay ahaan lahayd ciyaaristeeda, tababarideeda iyo taageeristeeda, waayo waxaan xasuustaa in xidigaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya wiilal iyo gabdho , macalimiin iyo maamulayaalba ay kaga wanaagsanayeen kuwa dalka Kenya.

Waxaan hubaa wiilasha iyo macalimiinta North America degan ee Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga lagu yaqaan inay Kenya iyo Qaarada Afrika meel wanaagsan ka gaari karaan hadii la helo dad hogaamintoodu ay ka maran tahay dhaqaale raadin iyo xil doonimo, kuna dheehan tahay wadaniyad  dhab ah iyo isboorti jacayl, waayo Isboortigu waa loo shaqeeyaa ee lagama shaqaysto.

Markii la soo qaxay oo Dowladii Dhaxe meesha ka baxday 1991 Xulka Qaranka dalka Soomaaliya waxa uu ku sugnaa dalka dibadiisa iyagoo ku soo maqan inay ka soo qayb galaan tartamo Isboorti ayaa waxaa dhacay dagaalkii sokeeye, waxayna markaas yimaadeen dalka Kenya islamarkaana waxaa loo aqoonsaday Qaxooti madaama aysan dalka dib ugu noqon Karin, xerada Thika ayaa la dajiyay markii dambane Utango Refugees Camp oo ku yaal magaalada Mombasa ayaa lagu wareejiyay.

Waan xasuustaa wagaas anigana waxaan imid dalka Kenya si aan dalka dibadiisa uga sii gudbo, balse waxaan tagay xerada Utango oo markaas dadka Soomaaliyeed ee ku soo qaxay loogu qaadayay dalka Mareykanka, xerada waxaa laga dhisay garoon lagu dheelo Kubadda Kolayga halka anagana kubadda cagta aan ku dheeli jirnay xeebta iyo xerada dhabarkeeda kaymaha ka dambeeya.

Xulka Qaranka Kubadda Kolayga ayaa xerada garoonkeeda galab kasto ku dheeli jirey dadkana ay daawan jireen waxaan ka xasuustaa C/qaadir Xaaji Dahir, Axmed Dahir, Isaaq Dheere, Mohamud Ciise iyo walaalkiis allaha u raxmadee, Madaxeey  iyo kuwa kale oo farabadan,marar qaar waxaa dhici jirtey inay imaadaan kooxo Kenyan ah oo ay u dheelaan ciyaaryahano Soomaaliyeed islamarkaana kooxahaas waxaa macalimiin u kale ahaa macalin Idiris iyo Macalin Bruno, ciyaartooygana waxaa u ahaa Mohamud Ciise hadii aanan qaldanayn dhamaantood waxay joogaan dalka Mareykanka iyo Canada.

kolayCiyaar kasto oo dhaxmartana waxaa badin jirey kooxda Soomaaliyeed ee la moodo Qaxootiga xerada ku sugaayo inay dibadaha uga sii gudbaan balse ahaa wiilashii Qaranka Soomaaliyeed uu ku dhaaran jirey, kuwasoo daruufta meesha joojisay, dad aan aniga ka mid ahaana aad ayaan ula dhacsanaa ciyaarahaas ku dhaxmaraya xerada Soomaalida iyo kooxaha macalimiinta Soomaalida layliyaan ee booqashada noogu imaanaya galab galab xerada Utango, sababta ay ugu imanayaan kooxaha Kenya ciyaaraha saaxibtinimo mar aan magaalada London ku wada kulanay macalin Idiris oo ahaa macalin ka mid kooxahaas ayaa ii sheegay inay ka rabeen in kooxdooda ku tijaabiyaan laacibiintaan Qaran ee  ku nool xerada.

Marka aan u soo daadago dulucda ujeedadayda ee faalada aan rabo inaan dadka ugu cadeeyo in waxa meesha ka socda aysan ahayn tababarid balse ay tahay marin habaabin iyo in lagu dhunsado xoogaa dhaqaalo ah oo laga soo qaaday Olypmic Solidarity waayo macalin Kenyan ah inuu casharo siiyo macalimiin Soomaaliyeed iyagoo ay joogaan macalimiin qibrad iyo waayo aragnimo dheer leh oo aqoontooda gaarsiisay inay dalal kale ka noqdaan ma ahan wax macquul ah oo la aqbali karo, laakinse  aniga lama yaabani kooxda hogaamiye kooxeedka Isboortiga ee dhaqankaan 20 sanadood ku soo xamaalanayay ee balse waxaa la yaaban  nahay Qaran Express iyo Jubba Airways oo magacooda boorka lagu soo dhagsaday laguna micneeyay maalgaliyayaal.

kolay4Soomaaliya maanta waxaa jirta daruufo aad u xun xun hadii ay ka tahay wadaniyad iyo Soomaalinino Islaanimo lagu darey waxay ila ahayd inay dhaqaalaha meesha cidlada ah ay ku bixiyeen inay siiyaan umadda Soomaaliyeed ee u baahan kaalmada, mise dhaqaalaha Kooxda GOS ay ku soo qaataan ayaa wax ka soo gasho  Jubba Airways iyo Qaran Express, waayo meesha waxa lagu hayo ma ahan dan Soomaaliyeed ileen waa mashruuc wax lagu lafo rugaayo.

Maqaalkayga waxaa ku soo gunaanadayaa iyadoo ay  joogaan macalimiintaan qiimaha badan islamarkaana hadii loo baahdo ay suurtoowdo inay si Soomaalinimo ah ku siiyaan ama ku bixiyaan casharada hada Kenyaanka lacagaha ku qaadanaya ee aan asxaanka nooga haynin.

Maxaa uu diiday in lagu casumo macalimiintaan ama lagala tashado inay tababar iyo talabo ka dhiibtaan arimaha ka socda  Jabuuti arinkaan hala su’aalo hogaamiye kooxeedka Isboortiga NGO/GOS?

Macalin Sacad Omar Geedi,Macalin Laas, Macalin Adame, Macalin Abdi Dheere, Macalin Bruno, Macalin Idiris, Macalin John, Macalin Shiine, Macalin Shiikha, Macalin Axmed Dahir, Macalin Abuukar Shiine, Macalin Baarajab, Macalin Bashiir Fox, Macalin Bashiir Abdi Dahir, Macalin Ali Salad, Macalin Tarabi 1/2. IWM AH.

Waxaad moodaa in Soomaalidu weli aysan ka korin  xaqiraada iyo bahdilida dadkooda qiimaha iyo waxtarka u leh, balse Macalinka Kenya Mr.R.Owino  waxaan leeyahay   ‘’Kenya should thank God for its Somali ‘troubles’’by   By CHARLES ONYANGO-OBBO  oo dhawaan ku soo baxay Daily Nation Kenya

Gunaanadka tababarakana waxaa u noqon ‘’ Shimbarayaalow heesa, hees wanaagsan heesa, halkaan soo fariista’’ waayo hadii dadka wax loo qabanaayo Muqdisho iyo meeshii laga soo qaaday ayaa tababarka loogu qaban lahaa.

W/D:YUSUF YUSUF

Sports Editor of SSPAMEDIA

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Sports.
« »

Comment: