Faah-faahin qarax lagu weeraray Idaacada Horseed Boosaso.
Bartamaha (Boosaaso):- Maamulka Warbaahinta Horseed Media ee Magaalada Boosaaso ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay Bam Gacmeed Xalay lagu weeraray Idaacadaasi.
Cismaan Axmed Ciise oo ah sii hayaha xilka Agaasimaha Idaacada Horseed Media oo maanta Saxaafada kula hadlay Xarunta Idaacadaasi ayaa sheegay in qaraxa aanu sababin qasaaro balse qalqal uu abuuray.
Qaraxa xalay ayuu maamulka sheegay in ay fuliyeen laba dhalinyara ah oo aan la garan balse hadafkooda ahaa in Idaacada ay waxyeela gaarsiiyaan.
Qorshaha weerarka ayay maamulka idaacada ku macneeyeen in la cabsi galiyo Wariyayaasha oo ay shaqada idaacada ka socoto istaagto taasi oo ay dhammaan wariyayaasha cadeeyeen in aanay socon doonin.
Wariyayaasha iyo Maamulka ayaa waxa ay wada cadeeyeen in shaqadooda ay sii wadanayaan illaa midka ugu danbeeya la dilayo taasi oo ah balan qaadkii ugu sareeyay oo Idaacadasi shaqaalaheeda sameeyeen.
Dhanka kale Ciidamada Booliska ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay qabqabteen dad lala xiriirinayo ammaan darada waxaana xabsiga la dhigay ku dhawaad 20-ruux oo ammaan darada looga shakiyay.
Ma jirin cid rasmi ah oo sheegatay qaraxa Idaacadaasi lagu weeraray waxaana socanaya Howlgal Ciidanka ammaanka ay ku doonayaan in ay ku helaan cidii qaraxaasi fulisay oo aan illaa haatan meel lagu ogayn.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments