Faah Faahin: Madaxweynaha Puntland oo kawaramay safarkii uu kutegay Itoobiya (sawirro)
Garowe_ Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo manta dib ugusoo laabtay caasimada Puntland Garowe ayaa war baahinta ufaah faahiyay safarkii uu ku tegay dalka Itoobiya.
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Safarkii ay ku tageen Itoobiya uu ahaa mid muhiimad gaara uleh Puntland, waxaa uu intaasi raaciyay in intii uu joogay dalkaasi ay is arkeen masuuliyin katirsan dalalka caalamka ayna kawada hadleen danaha Puntland.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa intaasi ku daray inuu lakulmay madaxda DDS Itoobiya ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada maamul.
Madaxwenaha ayaa beeniyay inuu jiro wada hadala diblumaasiyadeed oo laga dhex wado Puntland iyo Soomaaliland kaasi oo lagu gorfaynayo xaalada gobalka Sool, oo gacanta ugu jira maamulka Soomaliland.
Safarka uu madaxweyne Cabdiweli ku tegay Itoobiya ayaa noqonaya safarkii ugu horeyay oo intii la doortay madaxweynaha cusub uu ugu baxo dalka dibadiisa.
Comments
comments