Faah faahin ku saabsan shir saraakiishii hore ee Soomaaliya shalay uga furmay Magaalada Washington.
Bartamaha(Washington):-Ku dhawaad 40-sarkaal oo ka tirsanaan jiray saraakiishii sarsare ee ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa shalay waxa uu shir uga furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kaas oo soconaya muddo shan maalmood ah.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Modoobay ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii talooyin dib loogu dhisayo ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidamo cusub oo ay yeelato dowladda KMG Soomaaliya ay u siin lahaayeen wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Saraakiishan oo ka kala yimid meelo kala duwan oo dunida ah, ayaa la sheegay in inta shirkoodu socdo ay xooga saari doonaan sida ugu haboon ee lagu heli karo ciidan leh tayo iyo asluub wanaagsan, oo buuxin kara dhinaca amniga dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay ka qeybgalayaan saraakiil caan ka ah dalka Soomaaliya xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaasna qaarkood xilal sar-sare ka soo qabtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ahaana Madaxweyne ku xigeenkii Soomaaliya marna noqday Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Gen. Maxamed Cali Samatar, sidoo kale waxaa ka mid ah saraakiisha ka qeybgalaya shirkaasi Gen. Salxaan, Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil, Col. Daahir Aadan Cilmi {Indho Qarshe}, Col. C/raxmaan Sheekh Ciise iyo taliyaashii hore ee ciidamadii Asluubta iyo Booliska, sidoo kale waxaa shirka ka qeybgalaya labo General oo Mareykan ah oo la sheegay inay xaaladda Soomaaliya si weyn ula socdaan, isla markaasna ay talooyin soo jeedin doonaan, kuwaas oo ku aadan dhinaca dhismaha ciidamada Soomaaliya.
Shirkaasi ayaa waxaa kaloo jooga John Yates oo horay u ahaa ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Walad Cabdalla iyo ku xigeenkiisa.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo isna shirka ka qeybagalaya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan talooyinka ka soo baxa shirka, kaas oo socon doona ilaa arbacada soo socota.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments