Faah Faahin ka soo baxaysa Sarkaal Ka Tirsan Nabadsugida Puntland oo xaley lagu dilay magaaladda Garoowe
Garoowe (www.Bartamaha.com):- Kooxo hubaysan oo aan haybtooda lagaran ayaa xaley fiidkii waxa ku toogtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Sarkaal ka tirsan Ciidamada nabadsugida Puntland.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Xirsi Jaamac Dhangad ayaa la dilay xili uu kasoo baxay Masjidka Timire ee Xaafadda Waaberi ka dib markii uu kusoo tukaday Salaadii Taraawiixda.
Kooxdii geystay Falka ayaa durbadiiba isaga baxsaday goobta,waxaana soo gaaray Ciidamada amniga oo bilaabay baaritaano. walow aan la sheegin cid loo soo qabtay.
Hay’addaha amaanka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno xooggan lakin ma sheegin cid loo soo qabtay.
Si kastaba ha ahaatee dilalka qorsheysan ayaa muddoyinkii dabe kusoo badanaayey magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Bosaso,Gaalkaco kuwaas oo lala xiriiriyo inta badan in ay geestaan rag xiriir la leh Ururka Al-Shabaab.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments