Faah Faahin Dheeri ah oo ka soo baxaya meydka Wiil dhalinyaro oo la gowracay oo shaley lagu arkay agagaarka Warshada Baastada ee magaaladda muqdisho.
Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Meydka Wiil dhalinyaro ah oo madaxa laga jaray ayaa shaley casirkii lagu arkay nawaaxiga Warshadii Baastada, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin Al-Shabaab, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.
Sida ay sheegayaan wararka wiilkan ayaa la sheegay in da’diisa u dhaxeysay 20-23, waxaana la tilmaamay in xalay laga habeenkii laga watay gurigiisa oo ku yaala deegaanka Garasbaaley, waxana ka xeystay Ragg Hubeysan .
Ehelada wiilkan dhalinyarada ayaa sheegay in muddo 24-saac oo ay la’aayeen kadib lagu soo wargeliyay in madaxiisa iyo qaarka kale ee jirkiisa inay is ag-yaalaan meel aan ka fogeyn Warshadii Baastada.
Nin Abti u ahaa wiilkan dhalinyarada oo xaley la hadlay Idaacadda Afka dowladda ku hadashay ee Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu ahaa wiil arday ah oo dhiganayay Iskuul,
Sarkaalkan oo ka mid ah Ciidamada Boliska, isla markaana yahay Labo Xidigle.ayaa ku eedeeyay inay falkaas ka dambeeyaan Al-Shabaab, ayna habeen horre wiilkan ka kaxeysteen gurigiisa oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.
Dilkan ayaa noqonaya kii 5-aad oo lagu arko qeybo ka mid ah Muqdisho dhalinyaro la gowravay dabadeedna dariiqyada la soo dhigay, iyadoo askar ka tirsanaa Dowladda oo horay u soo bandhigeen Al-Shabaab la arkay markii dambe lagu arkay Suuqa Xoolaha isagoo la gowracay, halka saddex dhalinyaro dhowaan la soo dhigay iyagoo labo ka mid ah gowracan xaafad ka tirsan degmada Dayniile.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments