Duqeyn xalay laga hurdi waayay iyo Shabaab oo guul sheegatay.
Bartamaha (Muqdisho):- Magaalada Muqdisho oo joogta looga dhigay Madfac iyo rasaas shacabka lagu laayo ayaa xalay Xaafado badan laga seexan waayay.
Degmooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa xalay laga hurdi waayay daryanka Madaafiicda iyo rasaasta Culus oo ay is dhaafsanayaan Xoogaga Islaamiga ah iyo Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom.
Madaafiicda ayaa waxa ay bilowddeen markii Maleeshiyada Shabaabka ay weerar ku qaadeen saldhigyada Amisom ee Woqooyiga Muqdisho waxaana markaasi ka dib xaalada ay isku badashay mid Madfac oo kaliya la is dhaafsanayay.
Madaafiicda ma ahayn kuwa ku kooban dhulka aagaga hore ah balse waxaa socanayay duqeyn si toos ah Islaamiyiinta iyo Dowlada ay isugu dhaafsanayeen goobo ka baxsan aagaga hore ee dagaalka.
Alshabaab ayaa la sheegay in ay xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan iyo Heliwaa la wareegayeen gawaarida Homeyda loo yaqaano oo Hoobiyayaal ay ku wateen islamarkaana marka goob gooni ah ay madaafiicda ka tuurayeen.
Madaafiicda Jawaabta u ah duqeynta shabaabka ayaa waxa ay qasab ka dhigeen in ay noqdaan kuwa wareega oo marba xaafad ku habsanaya taasi oo shacabka dagan dhul badan qasab uga dhigtay in ay xaafadaha ka soo baxaan si ay u raadsadaan dhismayaasha gabaadka noqon kara sida Shubka.
Inta la ogyahay waxaa dhintay 5-ruux in ka badan 10-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii duqeynta loo gaystay dhul badan oo ka mida Woqooyiga Muqdisho iyo Degmada Heliwaa waxaana dadkaasi ay badankood yihiin maato.
Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay muddo ka dib dagaalka iyo duqeynta socanaysay inta badan Xalay saqdii dhexe illaa saaka aroornimadii hore oo shabaabka iyo Amisom ay faraha iskula tageen.
Shabaabka ayaa saaka ka hadlay dagaalkii iyo duqeyntii oo ay ku sheegeen kuwa barakaysan oo guul balaaran laga gaaray sida uu saaka saxaafada u sheegay sargaal sare oo u hadlay Kooxda Alshabaab.
Afhayeenka dagaalada ee shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa saxaafada u sheegay in dagaalkii barakaysnaa iyo duqeynta xalay ay ahaayeen kuwa lagu laayay Kooxda uu u yaqaano Cadowga Amisom.
Masuulkan ayaa sheegay in ay dileen Ciidan badan oo Amisom ah iyo kuwa Dowlada oo uu cadeeyay in Madaafiicda lagu garaacay Villa Somalia oo kaliya ay ku dhamaadeen Ciidankii ugu badnaa.
Hadalka shabaabka iyo shacabkii xalay ku dhamaaday duqeynta ayaa waxa ay qeyb ka tahay duqeynta iyo dagaalada inta badan shacabka ay ku dhamaadaan oo jawaabta ka soo baxda dhinac walbana ay noqoto guul ku tilmaamida dhiiga shacabka ee la daadiyo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments