Calendar

Duqeyn Barqanimadii Maanta loo geystay Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho.

DSC05392Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa maanta lagu garaacay Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho taasi oo sababtay qasaara kala duwan.

Madaafiicda ayaa waxa ay bilaabatay barqanimadii maanta ka dib markii Madaafiic lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyadoo jawaab culus ay ka soo baxday.

Madaafiicda Jawaabta ahayd waxa ay ku hoobatay dhammaan Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho sida Kaaraan,Shibis,C.Casiis,Boondheere iyo Yaaqshiid.

Degmooyinka la duqeeyay waxaa ku dhintay inta la ogyahay 5-ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 8-ruux oo kale oo dhammaan ah dad rayid ah kuwaasi oo qasaaraha uu ka soo gaaray madaafiicda aan loo maaldayin ee maanta lagu garaacay Degmooyinkaasi.

Duqeynta Maanta dhacday waxa ay qeyb ka ahayd Madaafiic dhawaanahan joogta ka noqotay Caasimada waxaana dadka shacabka ah ay u dhintaan duqeyntaasi oo aanay cidna wax iska weydiin sababta ay u dhinteen.

Maalintii khamiista ee la soo dhaafay ayay ahayd markii duqeyn iyo dagaal xoogan uu ka dhacay Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 30-ruux taasi oo sababtay in dadka ay isaga barakacaan Degmooyinkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: