Calendar

Duqeyn ba’an oo xalay loo geystay Xaafadaha Muqdisho.

Muqdisho dagaalBartamaha  (Muqdisho):-Duqeynta xalay oo ahayd midi ugu xooganayd dhawaanahan ayaa waxa ay ku dhacaysay xaafado ka mida caasimada Muqdisho.

Hoobiyayaasha,PM-ka iyo hubka Taangiga ka dhaca ayaa mar qura laga maqlay xaafadaha Muqdisho iyadoo lala beegsanayay deegaanada ay maamulaan Mucaaradka.

Duqeynta ayaa bilaabatay saqdii dhexe ee Xalay xiligaasi oo la helay warka sheegayay qaraxyo ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

Madaafiicda ayaa waxa ay ka soo dhacayeen saldhigyada Ciidamada Ugandha ku leeyihiin Muqdisho sida Madaxtooyada,Xalane iyo KM.4 oo dhammaan laga ridayay hubka ku dhacayay xaafado ka mida caasimada.

Xaafadaha sida aadka ah loo garaacay ayaa waxaa ka mida Heliwaa,Dayniile,Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo dhammana ay ku xooganyihiin Maleeshiyaadka Mucaaradka.

Garoonka Kubada Cagta Ee Stadiom Muqdisho ayaa waxa xalay oo kaliya lagu dhiftay in ka badan 30-Madfac oo Amisom saldhiyadooda laga soo ridayay.

Xaruntaasi sida aadka ah loo garaacay ayaa waxaa dagan Saraakiil sare oo shabaab ah halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu tababar uga socanayay Maleeshiyaadka shabaab.

Lama garanayo qasaaraha garay Ciidankaasi iyo madaxda la dagan Xaruntaasi Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xizbiga Kacaanka Soomaaliyeed oo saldhig ciidan isku badashay.

Dadka shacabka ah ee Xalay saqdii dhexe dhintay ayaa waxa ay gaarayaa 7-ruux dhaawac ahaana isbitaalada loo geeyay 10-kale oo dhammaan ah dadka dagan Heliwaa iyo Dayniile oo ah labada degmo oo lagu garaacay PM-ka.

Ujeedada duqeynta Xalay ayaa dad badan ay aamineen in ay salka ku hayso weeraradii Xalay ka dhacay Kampala oo la aaminsanyahay in ay ka danbeeyeen Shabaabka soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: