Duqeyn ba’an oo Xalay loo geystay Xaafada Kaxda Degmada Dharkenley Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Duqeyn ba’an ayaa xalay saqdii dhexe loo geystay xaafada Kaxda Degmada Dharkenley Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu dagaal kooban ka dhacay.
Dagaal mudda kooban socday oo xalay ka dhacay xaafada Kaxda Degmada Dharkenley Muqdisho ayaa sababay in duqeyn ba’an loo geysto Deegaankaasi.
Duqeynta ayaa la sheegayaa in ay timid markii Mucaaradka Xoogagooda ay madaafiic ku garaaceen fariisinada Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom Ee Jaamacada Umada iyo Degmadaasi dharkenley.
Illaa 10-Madfac oo PM iyo Mortares ah ayaa ku dhacday xaafada Kaxda oo ahayd deegaan Barakacayaal ay daganaayeen balse dagaalo ay ku soo noqnodeen.
Illaa 8-ruux ayaa dhaawac ahaan Deegaankaasi looga soo qaaday kuwaasi oo dad shacab ah u badan markii madaafiicda ay joogsatay saqdii dhexe ee Xalay.
Deegaanka malahan wax wadooyin ah marka laga reebo Wadada Xoosh oo ay Ciidamada Dowlada daganyihiin iyadoo dad badan oo dhaawac ah ay adkaatay in deg deg goobaha Caafimaadka loo gaarsiiyo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments