Duqa Cusub Ee Maaamulka Mudug oo shaaca ka qaaday in ammaanka Magaalada Gaal-kacyo uu yahay mid faraha ka baxay.
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Xubnaha Cusub Ee Maamulka Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa bilaabay in ay walaac ka muujiyaan xaalada ammaan Ee Gaal-kacyo.
Duqa Maamulka Gobolka Mudug C/raxmaan Maxamuud Xasan oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Gaal-kacyo ayaa waxa uu sheegay in Xaalada ay tahay mid faraha ka baxday.
Masuulkaasi noqday Duqa cusub Ee Gobolka Mugud ayaa sheegay in tan iyo markii uu Madaxweyne Faroole soo gaaray Gaal-kacyo xaalada ammaanka ay isbadal xoogan ku yimid.
Duqa Gobolka Mudug C/raxmaan Maxamuud ayaa tilmaamay in Xaalada ammaanka ay tahay mid xumaaday islamarkaana ay joogto noqdeen dilalka shacabka iyo masuuliyiinta lagula dhaqaaqayo.
Madax sare oo ka tirsan Maamulka Cusub ayaa dhankooda waxa ay tilmaameen in xaalada ay tahay mid liidata xagga ammaankana loo baahanyahay in wax badan laga qabto.
Cabashadan deg-degta ah Ee ka soo yeertay Xubnaha cusub Ee dhawaan loo doortay maamulka Gobolka Mudug Puntland ayaa imaanayasa xilli ammaanka Gaal-kacyo shacabka ku nool ay walaac ka muujiyeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments