Dr. Mahiiga oo gudoonsiiyey Idaacada Somali Public Radio bilad sharaf lagu aqoonsanayay wax qabadkooda
Minneapolis (SPR): Waxaa magaalada Minneapolis si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaasina shir balaadhan ku qabtey isla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota Ergeyga Gaarka ee arimaha Soomaaliya u Qaabilsan Qaramada Mideebo Dr. Augustina Phillip Mahiga ayaa waxaa uu la kulmey aqoonyahanada, ururada maxaliga ah, Jaaliyadaha, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Casuumadan ayaa waxaa martigaliyey isla markaana fidiyey hay’ada SIPR oo ah hay’ad laga aasaasey gobolka Minnesota ayna aasaaseen dhalinyaro aqoonyahana ah oo wax ku bartey dalka Mareykanka iyadoo hindisihii loo aasaasey uu ahaa xal-u-helida dhibaatooyinka ka aloosan dalka Soomaaliya gudihiisa, sidoo kale waxaa xafladan qaban qaabinayay hay’ada Oslo Center oo ka mid ahayd marti galiyayaasha mudane Mahiiga.
Xafladan ayaa waxaa lagu aqoonsadey shaqsiyaad iyo waliba hay’ado dedaal weyn ka muujiyey xalka Soomaaliya isla markaana si balaadhan uga qeyb gaatey u gargaarida barakacayaasha Soomaaliyeed oo ay saameysey abaaraha.
Idaacada Somali Public Radio oo aad loogu amaaney goobtaasi barnaamijyada ay baahisey mudadii yareyd oo ay hawada ku jirtey kuwaasoo ahaa kuwa la xiriira wacyi galinta Abaaraha, Caafimaadka, Deegaanka, iyo wixii la mid ah.
Waxaa ugu horeyn goobtaasi ka hadlay lagu aqoonsanayay idaacada Somali Public Radio, xubin ka mid ah hay’ada Maxaliga ah ee Somali Institutue for Peace Research aqoonyahanka Soomaaliyeed Fakhrudiin Mustaf Maxamed oo goobtaasi hadal yar ka jeediyey ayaa ka hadley sababaha ay sida wada jirka leh ugu soo xusheen Idaacada SPR in ay u qalanto abaal marinta maanta lagu gudoonsiinayo.
Mudane Faqrudiin oo si toos ah ula hadley Ambaashadoor Mahiiga isla markaasina u sharaxay Idaacada SPR una sheegey iyadoo ay idaacada waqti yar furantahay hadana Muujisey dedaal dheeri ah kuna talaabsatey hormar baaxadleh oo la taaban karo.
Mudane Faqrudiin ayaa xusey in ay Idaacada Somali Public Radio tahay idaacadii ugu horeysay oo ka hadasha isla markaana maqal iyo muuqaal usoo gudbisey ummadaha kale oo aan markaasi ka war heyn saameynta abaaraha ay ku yeesheen dalka Soomaaliya.
Faqrudiin ayaa sheegey in Media Soomaaliyeed ay ku mashquulsanaayeen arimaha Siyaasada iyo waliba heshiiskii Kambaala. Laakiin ayuu yiri idaacada SPR waay si lama ilaawaan ah u caadeysatay waqtigaasi in ay ummada Soomaaliyeed ugu soo gudbiso muuqaalada muragada leh ee dalka ka jira iyadoo ay dadka intiisa badan aysan ka war heyn abaaraha baaxada leh ee ka jirey dalka Soomaaliya.
Waxaa goobtaasi lagu soo dhaweeyey Aasaasihii Idaacada SPR Saalax Doonyaale oo goobtaasi ka jeediyey hadalo kooban. Khudbadii uu ka jeediyey Saalax ayaa waxay u dhigneyd sida Soo socota.
Watching Anderson Cooper report live from Dadaab and Mogadishu is heartbreaking enough for much of the world as video clips of thin babies, desperate mothers and overflowing medical centers are televised on international screens.
As a member of a generation scarred by the early civil war, the pain goes even deeper seeing that I recall familiar litany of starvation being played out in my country of birth. But, as well as sympathy, pain and concern, such images invariably bring to mind something else. We, the fortunate diaspora should bear responsibility and take lead in reviving hope of a better tomorrow in our own distinct ways.
Over a year ago I visited Somalia; first time in 20years to launch Somali Public Radio, the first community radio station in Somalia, modeled after Minnesota Public Radio. The success of my endeavor, made possible by my buoyant countrymen bears testament that our contribution could impact Somalia in an unimaginable scale.
I would like highlight our concern to representative Mahiga, that the U.N should do more for free press and hold administrations in Somalia accountable for their acts against freedom of expression.
Finally, I would like to recognize Somali Institute for Peace Research and Oslo Center for their genuine reconciliation efforts and their collaboration with Somali media in generating a much needed dialogue.
Maadaama aan ahay Soomaali, isla markaana la igu tiriyo bahda Hal abuurka Soomaaliyeed, waxaan door bidey in aan afkayga ku hadlo. Waxaan jecleystey inaan gabay yar halkan ka tiriyo oo ay Hooyo Soomaaliyeed iga codsatey maanta mar aynu joogney xafladii hore ee Mahiiga uu ka qudbadeynayey. Gabaygan oo aan ka jeediyey hada ka hor idaacada BBC da ayaa wuxuu ku bibaalanayaa sidatan:
Abuurtaada Eebboow anoo, ka ambaqaadaaya
Intifaacsada dhulkii aad lahayd uduga dookhaaye
Ummddayda goortaan arkiyo,idilba Soomaali
Allahayow istareex uma ledin, arami mooyaane
Allahayow adaan kuu ergoon,oo awood badane
Allahayow ihaanada maxaad, ugu aglooleysay?
Soomaali waad ogtoohoo, waadna aragtaaye
Eex-iyo qabiil bay intaa, ku agwareegaane
Indheergaradna way weydayo, Odiyo Waayeele
Hadba Ubadka kii dooxayeey, ubaxa saaraane
Aslaax-iyo wanaagiiba waa, laga ilduufaaye
Arqab iyo abti iyo seedi iyo, Ehel ma dhaafaane
Allahayow sidey isu ajali loola amakaagye
Islaamka’iyo Gaaladuba way, ka anfariiraane
(IM Luwis) wixi uu qoreey, agabsi moodeene
Af-qalaad aqoon moodki bay, ku ajarmaayaane
Interneedka-iyo Aaladaha, lagu adeegtoo dhan
Idaacadihii’yo Weebseedyadii, baa asaasaqaye
Waa kuwaan sidii loo alkumay, uma adeegaane
Afxumaa ka buuxdiyo waxaan, cidi u’ aayeyne
Iyagaaba aafada dhigoo, uunka kala geyne
Iin iyo colaad mooyee erey kale ma sheegaane
Barakiciyo abaaraha iyo waxa omoska nabadey
Ugaadhiyo iyo kolkii ay dhirtii eber ka siiyeene
Markii anfaacii aga gurtiyo, agabki hoos yaalley
Allahayow badiina ula kacbey sun ugu aaseene
Halkii Towbad loo eeran-laa, Aayaddiyo Diinta
Iimaanki qaar laga baxshoo, Oomanbaa yimide
Afar Qolona way soo baxdoo, eelki sii badaye
Nin waliba Ikhlaaskii si buu, u’ akhriyaayaaye
Asalaynki waa lagu murmiyo, Eraygi Towxiide
Is-afgarad la’aantiina waa, la’ isku oogsadaye
Naf ilxumo ku noolayd haddaa, ooda loo rogaye
Birta qaar marki laga aslee, uuska laga daadshay
Nebigay ammaaneen markii, lagu unuun-gooyey
Mawliidkii la’ isuguma iman, Ururti weynayde
Ummaddii markii hore ahayd, ul’iyo diirkeeda
Ehel’iyo xigaal kuwii ahaa, aagna wada yiiley
Arxan lagama eegaayo-iyo, aaye iyo khayr-e
Allohayow adaa dunidoo idil uumay kaligaaye
Allahoyow aadmigana waa adoomahaagiiye
Allahayow adaa xaqa iftiinshoo eexna faline
Allahayow soo ururi dadkii wey kala irdhoobeene
Markii uu qudbadii dhameeyey ayaa waxaa halkaasi kula hadley Saalax Doonyaale Danjire Mahiiga oo u sheegey in uu aad ugu qiiroodey hadaliisa isla markaana ay farxad u tahay in uu maanta gudoonsiiyo bilad sharaf. Mahiiga ayaa u sheegey in ay Idaacada SPR dedaalkeedu sii wado isla markaana aysan ka hadhin hormarinta iyo xal u helida Soomaaliya. Dadweynihii goobtaasi isugu yimid ayaa si gooni gooni ah ugu hambalyeeyey idaacada SPR isla markaana ka codsadey sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen arimaha quseeya Media iyo waliba tabarucaad ay doonayaan in ay gacan ka geystaan hor-u-socodka Idaacada SPR.
source:www.spr.fm
Comments
comments