Dowlda oo baaq muhiim ah udirtay dhalinyarada Ku jiro Al-shabaab
Dowlada Soomaaliya ayaa baaq udirtay dhalinyarada Soomaaliyeed eek a barbar dagaalameeysa Xarkda Al-shabaab in ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo wareegaan dhinaca Al-shabaab waxa ayna doowlada uqabatay mudo boqol maalmood ah iney isku soo dhiibaan dhalinyarada katirsn ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom,
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinyadara Soomaaliyeed ee kamidka ah ururka al-shabaab iney dowlada isku soo dhiibaan.
Wasiirka ayaa dhalinyarada Kubooriyey iney dadkooda dhinac karacaan isla mar ahaantaane ay mustaqbalkooda badbaadiyaan, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ayaa uurkutaalo kutilmaamay in dhalinyarada da’doodu aad u yartahay ay ka mid yhiin kooxdaasi kuwaas oo kujira xiligii waxbarashada oo ay dhisan lahaayeen noloshooda iyo aayohooda danbe iney ku baaba’aan dagaalo laga leeyahay ujeedooyin guracan sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa u ballan qaaday dhalinyarada isa soo dhiibay in aan wax dhibaata ah loo geysan doonin dowladune ay gacan buuxda siin doonto sidii ay u yeelan lahaayeen mustaqbal ifaya oo ka duwan mid ka ay haatan kunoolyihiin, Wuxuuna ku amray ciidamad Xoogada dalka Soomaaliyeed iney si wanaagsan usoo dhaweeyaan cidkasta oo kasoo goosatay ururka al-shabaab wax dhibaato ahne aan loo geysan.
Cafiskan uu soo saaray wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa daba jooga qudbad uu madaxweynaha Soomaaliya jeediyey markii la doortay taasoo ahayd inuu gacma furan kusoo dhaweynayo dagaalyahanada Soomaalida ah ee u dagaalama ururka al-shabaab, ciidamada dowlada ayaa dhawaanahan alshabaab kasaaray deegaano badan oo ay ka arimin jireen sanooyinkii lasoo dhaafay waxaana hada muuqata in dowlada Soomaaliya ay u tafxaydatay istaraatiijiya cusub oo ay ku wiiqayso cududa shabaab taasoo ah iney dhalinyarada aaminsan fikirka al-shabaab ku qanciso iney ka tanaasulaan kasii mid ahaanshaha al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab oo dhawaanhan awoodoooda Milatari ay faraha ka siibaxeeeysay Ayaa waxaa udagaalama dhalinyaro aad u da’yar ku waasoo loo adeegsado dagaalda Ay kooxdaasi kula jirto dowlada Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Africa eek u sugan Soomaaliya Talabadaan ay dowladu qaaday hadii ay dhalinyaradaas qaataan waxaa laga yaaba in Al-shabaab ay wayaan taageerada iyo garabka dhalinta Soomaaliyeed
Comments
comments