Dowlaha Eritrea iyo Kuwait oo ka tashaday Xaalada Soomaaliya.
Bartamaha(Kuwait):-Kulan ka dhacay magaalada Kuwayt ayaa waxaa yeeshay madaxda dalalka Eritrea iyo Kuweyt iyagoio ka wada hadlay arimaha soomaaliya.
Madaxweynaha Eritrea Esseas Afwerki iyo Boqorka dalka Kuweyt Amiir Zaahid ayaa waxa ay kulan ka yeesheen arimaha wadamada geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya .
Kulan labada masuul ayaa waxaa la sheegay in ay diirada ku saareen Xaalada dalka soomaaliya oo dagaalo aan dhammaad lahayn ay ka jiraan iyadoo Eritrea lagu eedeeyo in ay masuuliyada qeyb ku leedahay.
Madaxweyne Dalka Eritrea Esseas Afwerki ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay in ay gacan ka geesito dowladiisa dagaalada ka socanaya dalka Soomaaliya oo dhawaanahan sii badanayay.
Labada Dowladooda ayaa waxa ay arinta ugu weyn oo ay ka hadleen ay ahayd arimaha dalka soomaaliya oo dhibaato xoogan ay ka soogaartay dowlada Eritrea oo haatan cunaqabatayn la saaray.
Dowlada Eritrea ayaa waxa ay inta badan iska diidaa in ay masuul ka tagay dagaalada soomaaliya oo ay gacan u fidiso islaamiyiinta dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments