Calendar

Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay Gargaar caafimaad ay soomaaliya gaarsiisay iyo Maamulka isbitaal Madiina Muqdisho oo beeniyay sahaydaasi in la soo gaarsiiyay.

frattini1Bartamaha(Muqdisho):-Sida maanta ay Nairobi ka sheegtay Waaxda Hor’marinta iyo gar gaarka ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda Talyaaniga ayaa tilmaamtay in ay soomaaliya gaarsiiyeen ilaa 24-tan oo dawo ah taasi oo ay sheegtay in ay ugu deeqday dadka ku dhaawacmayay dagaalada ka sii socda soomaaliya.

 

Franco Frattini oo ah wasiirka wasaarada arimaha dibada dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay gaarsiinta agabkan caafimaad ay kaga jawaabayeen dalab kaga yimid xukumada Fd soomaaliya gaar ahaan ra’iisul wasaaraha oo si gaar ah u coidsaday in la gargaaro shacabka dhaawacyada qaba.

 

Qalabkan ayaa ay wasaaradu sheegtay in ay ugu tala gashay isbitaalada ku yaala gudaha magaalada Muqdisho oo haatan qaar ka mid ah agabka la gaarsiiyay halkaasi maadaama ay wasaaru sheegtay ay muqdisho haatan ka taagantahay dhibaata xagga caafimaadka ah .

 

Hadalka Wasaarada arimaha dibada ay ku  sheegtay in ay qalab caafimaad iyo Dawaba ay gaarsiisay isbitaalada Muqdisho ayaa durbaba hadal ka soo baxay Maamulka Isbitaalka Madiina waxa ay beeniyeen jiritaanka Warkaasi .

 

Agaasmiaha Isbitaal Madiina Dr.Maxmed Yuusuf oo saxaafada la hadlayay ka dib warka ay soo saartay wasaaradaasi Arimaha Dibada Talyaaniga ayaa waxa uu ku tilmaamay hadalkaasi mid magaca isbitaalada lagu been abuuranayo isla markaasina aanay talyaaniga iyo dowlada soomaaliya intaba aanay isbitaalkaasi soo gaarsiinin wax Dawa ah.

 

Agaasimaha isbitaalka Madaiina ayaa intaasi ku daray in ay ka helaan dawooyinka caafimaadka hay’adda isbitaalkaasi gacanta ku haysa ee ICRC taasi oo uu yilmaamay in ay si weyn uga haqabtirtay isbitaalka Xagga Dawooyinka.

 

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: