Dowladda Sucuudiga oo amartay in la gargaaro Soomaaliya.
Riyaadh (www.Bartamaha.com):- War ay qortay wakaaladda wararka dalka Kuwaite ee KUNA ayaa lagu sheegay Boqorka Sucuudiga Boqor Cabddalla Bin Cabdul Casiis in uu amaray maalinta isniinta ee soo socota la qaado howlo ballaran oo loogu gumanaayo dadka abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya.
War murtiyeed uu soo saaray maanta oo sabti ah ayaa waxa lagu sheegay in lagu booriyay dadka reer Sacuudi in ay sakadda sanadkan ay siiyaan dadka ku dhibaateesan Soomaaliya
Waxa uu yiri waa in sedaqadda inteeda badan aad ku deeqdaan dadka masaakiinta ah ee waxba heesan” ayuu ku sheegay boqorka war murtiyeedka uu soo saaray.
Si kastaba, waxa soo kor dhaya gargaaka ka immanaya wadamadda carabta tan markii ra’iisla wasaaraha Turkiga uu soo booqday magaaladda muqdisho Jimcihii
Dhinaca kale, Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taakuleenta dadka ku dhibaateesan Soomaaliya.
Ku xigeenka Madaxa hay’adda barnaamijkan u qaabilsan dowladda islaamiga ee Iran ayaa waxa uu sheegay maalmaha soo socda in ay goobaha ay ka jiraan abaaraha ee dalka Soomaaliya ay geeyn doonaan ilaa 200-tan ah oo mucaawino ah.
Waxa uu intaa ku daray Iran gargaarkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay gaarsiisay in uu gaarayay ilaa 48- Ton.
Gargaarkan ayaa waxa uu badan yahay dawo cuno iyo hooy ay dagaan dadka soo barakacaya.
Dowladda Iran ayaa duyuuradii seddaxaad oo gargaar u sidda dadka Soomaaliya waxa ay khamiitii horre ka dagtay garoonka duyuuradaha muqdisho.
Abaarta Soomaaliya ka taagan ayaa QM waxa ay sheegtay in ka badan 11.8 million oo qof oo ku nool Soomaaliya, Kenya, iyo Ethiopia in ay aafgeysay taas oo Soomaaliya ka dhigtay meelaha ugu daran.
QM waxa kaloo ay sheegtay afar meelood tiradda dadka Soomaaliya ku nool ay hadda yihiin kuwa ku barakacay gudaha dalalka, waxana lagu qiyaasaas 9.9 million oo qof.
W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments