Calendar

Dowladda Soomaaliya oo xustay Maalinta Haweenka (Sawiro).

Copy (2) of DSC00504

Bartamaha (Mogadishu):- Munaasabado ballaaran oo lagu xusayo maalinta haweenka Aduunka oo ku began maanta oo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa qadka Telefoonka ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed, ayadoo u rajaysay horumar iyo nabad ay ku waaraan, waxayna sheegtay in wasaaraddu ay sameyn doonto horumar sanadka soo socda, ayadoo qirtay in dhibaatooyin ay haystaan haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiiradda hormarinta reer miiga, dhirta iyo daaqa Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qeyb gashay munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed oo ay dhibaateeyeen dagaalada ka jira dalka, waxayna sheegtay in la joogo waqtigii haweenku ay kaalintooda ka qaadan lahaayeen nabadaynta dalka, inkastoo duruufo adag lagu jiro.

Dhinaca kale munaasabado kale oo lagu xusayo maalintaan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, kuwaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururo u dooda xuquuqda haweenka iyo maamulada ka shaqeeya gobolada dalka Soomaaliya.
8da maarso waa maalinta loo asteeyay Haweenka Caalmka, waxay ku soo aaday xilli haween badan oo Soomaaliyeed lagu dilay, kufsaday, dhacay, dhacay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana u sii dheer tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha iyo Shareecada Islaamka oo dhiigga haweenka Soomaaliyeed lagu banaystay.

Xigasho Radio Mogadishu.

Copy of DSC00554(1)

Copy of DSC00507



DSC00578

DSC00721(1)

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: