read more »">
Calendar

Dowladda Soomaaliya oo la kala diray (War Deg Deg ah)

adanmadobe2Guddoomiyaha baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay in dowladii ay dhacday kadib markii sida uu sheegay uu baarlamaanku u codeeyay.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta buuq badan uu ka jiray, iyadoo xubnaha ka soo horjeeda guddoonka baarlamaanka ay ku doodayeen in Sheekh Aadan Madoobe uusan guddoomin karin maadaama uu waqtigii ka dhamaaday, loona baahan ay in qofka ugu da’da wayn xubnaha baarlamaanka uu guddoonka qabto inta shir gudoon cusub laga soo dooranayo, halka guddoomiyaha iyo taageerayaashiisu ay leeyihiin waqtigii ma dhamaanin.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in kulanka intii uu socday cod la qaaday, uuna ku dhawaaqay in dowladii ay dhacday, oo uuna ka dalbanayo madaxwaynaha in uu magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisa dowlad cusub.

Guddoomiyaha, oo kulanka kadib xafiiskiisa ugu waramay weriyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa sheegay in ay xarunta ku sugnaayeen 318 xildhibaan, kuwaas oo markii cod laga qaaday 280 ay ku codaysay in xukuumadda waqtigeedii uu dhamaaday, 30-na ay diideen in waqtigii xukuumadda uu dhamaaday, 8 xildhibaanna ay ka aamuseen.

Wuxuu ku dhawaaqay in ay sharci tahay codbixinta baarlamaanka, oo xukuumadiina ay dhacday. Wuxuuna ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha in uu yahay nin aan awood badan lahayn oo ay ka awood badan yihiin qaar ka mid ah wasiirada dowladda.

Hase yeeshee, xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka, ayaa ku haray golaha shacabka, iyagoo ku doodaya in ay haystaan aqlabiyadii baarlamaanka. Kooxdan, ayaa ah kooxda diidayn awalba in guddoomiyaha baarlamaanka uu shirka guddoomiye, una arkayay in uu xilligii ka dhamaaday. Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aanno liddi ku ah kan guddoomiyaha.

Si kasta ha ahaatee, tallaabadan guddoomiyaha, ayaa u muuqata in ay sii kordhinayso xiisadda ka dhex taagnayd xubnaha baarlamaanka oo halis galisay jiritaanka guud dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horaysay ee dowladda ay soo foodsaarto xiisad tan la mid ah, iyadoo maamulkii kan ka horeeyay uu ka dhexjiray muran u dhaxeeyay madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keentay in xubnihii baarlamaanku ay labada dhinac la saftaan.

Waxaa la is waydiinayaa waxa xalka kama dambaysta ah ee arrintan uu noqon doono, maadaama dhinacyada iska soo horjeeda uu mid walba ku doodayo in uu isagu saxan yahay, go’aanada ka soo baxayna ay tahay in la qaato.
____
BBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: