Calendar

Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay sii wadi doonto gargaarka la siinaayo Soomaaliya

OriginalChaina (www.Bartamaha.com):-Madaxa xagga xiriirka u qaabilsan arrimaha sama falka dowladda Shiinaha Terri Toyota, ayaa sheegtay in ay la sii wadi doono gargaarka la siinaayo Soomaaliya

Waxa ay tiri “Shiinaha waa uu kor dhin doonaa gargaaka la siinaayo dadka abaaraha ay ku heestaan geeska Africa.

Waxa ay sheegtay in gargaarka la siinaayo Soomaaliya loo soo marsiin doono barnaamijka cunadda aduunka ee WFP.

Waxa kaloo ay sheegtay wada shaqeenta WFP iyo Shiinaha ee ku aadan daabulidda gargaarka in la ballaarin doono si loo yareeyo gaajadda iyo abaarta.

21-kii bishan August dowladda shiinaha waxa ay bixisay gargaarkii ugu ballaarnaa taa oo loogu talla galay geeska Africa ku dhawaad 16 million dollar oo deeqo ah ayay gacanta u galisay WFP.

Dowladda waxa kaloo ay sheegtay in deeqeyso ilaa sanadkan 20 million oo dollar taas oo lagu wareejinaayo hay’adda Cunadda Aduunka ee WFP.

Ku dhawaad 12-Million oo qof ayaa QM ay sheegtay in ay ku dhufatay abaarta ka jirta geeska Africa. Taas oo wadanka ugu horrey ka dhigtay abaarta ee ay ku dhufatay.

W/D:Xafiiska wararka muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: