Dowladda New Zealand oo haweeney Soomaali ah 9 sano oo xarig ku xukuntay.
Bartamaha (Kuala Lumpur,Malaysia):-Caasha Cali Cabdille oo ah haweeney soomaali ah ayay Maxkamad ku taal dalka New Zealand ku xukuntay Sagaal sano oo xarig ah kadib markii ay isku dayday in ay afduubto diyaarad laga leeyahay dalka New Zealand sida ay maxkamada u sheegtay ujeedkeedu ahaa in ay ka badxo dalka (New Zealand) oo ay aado dalka Australia
Diyaaradda ay isku dayday in ay Afduubto Caasha Cali oo 36-jir ah ayaa isa kala goosheesay magaalooyinka Blenheim iyo Chrischurch, Caasha Cali ayaa xilliga ay aduubtay Diyaaradda waxa ay dhaawac u geesatay qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda.
Maxkamada sare ee magaaladda Chrischurch ayaa sagaal sano oo xarig ah ku xukuntay Casha Cali oo u dhalatay dalka Soomaaliya oo ay dhibaatooyinka ka socdan waxayna Qaxooti ahaan ugu nooshahay dalka New Zealand iyadoo Sadex mindiyood ayay Caasha ku hubeysneyd markii ay afduubaysay diyaaradda.
Sababta ay Caasha Cali u afduubtay diyaaradda ayaa la sheegay in ay aheyn in ay dalka New Zealand isaga tago oo ay dalka Australia aado balse Diyaaradda markii ay afduubtay ayaa loo sheegay in diyaaradda Shidaalka ka dhamaday waxayna sheegtay in diyaaradda badda lagu rido iyadoo Caasha ay u sheegtay Baaylootkii diyaaradda waday “Hal meel ayaan ku wada dhiman doonaaâ€.
Fal noocan oo kalle ah ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ka dhaca dalka New Zealand iyadoo falkan ay geesatay haweenay Soomaali ah. Dalka New Zealand waxaa ku nool Soomaali badan oo qaxooti ah.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Kuala Lumpur, Malaysia
Comments
comments