Dowladda Maraykanka oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto dib u dhiska ciidanka qalabka sida
Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb qaadanayso dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiim ururka Midowga Afrika iyo Maraykanka Jeneraal David Rodrigues iyo hoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Lind Thomas Greenfield ayaa waxay sheegeen in dowladda maraykanku ay si way uga qab qaadan doonto habaynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Masuulitiinta u hadashay dowladda Maraykanka oo shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Safaaradda uu maraykanku ku leeyahay xarunta qaaradda Afrika ee Adis Ababa ayaa waxay sheegeen in dowladda maraykanku ay qorshaynayso sidii ay u taageeri lahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay xiligaan si wayn ugu baahantahay in laga caawiyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.
Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiin ururka Midowga Afrika iyo dowladda Maraykanka Gen. David Rodrigues ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Maraykanku ay sii laba jibaari doonto taageerada Militeri iyo dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.
Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiin ururka Midowga Afrika iyo dowladda Maraykanka Gen. David Rodrigues ayaa ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku amaantay sida hagar la’aanta ah oo ay uga qayb qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.
Abaanduulaha oo wax laga waydiiyay dhibaatooyinka ay ururka Alshabaab ka gaysan karaan dalal ka qaar ee dhaca geeska Afrika ayaa wuxuuna sheegay inay jirto halista ururka Alshabaab wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la tayeeyo awoodda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Comments
comments