Dowladda Maraykanka oo bilowday dadaalo lagu xoojinayo dagaalada lagula jiro Burcad badeeda.
Bartamaha(New York) Dowlada Maraykanka ayaa bilowday qorshayaal ay ku xoojinayso la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Wadanka Soomaaliya si wax loga qabto dhibaatada kooxahaasi ay wadaan.
Kulan ka furmay Magaalada New York ayaa waxaa wada tashi ku yeeshay madax ka kala socotay Dowladaha Maraykanka ,Singabuur, Qubrus , Jabaan iyo Britain kuwaasi oo dhammaantood isla meel dhigay in la balaariyo la dagaalanka Burcad badeeda.
Dowlada kulanka yeeshay ayaa waxa la sheegay in sixiixa ku duugeen dagaalo ba’an oo lala galo Kooxaha Burcad badeeda iyadoo la filayo in maanta ay kulmaan wado kale kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaalanka Burcad badeeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.