read more »">
Calendar

Dowladda Malaysia oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay baaro dilka wariye dhawaan looga dilay magaaladda Muqdisho.

12Kuala Lumpur (www.Bartamaha.com):-Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Malasia ayaa ka codsaday dowladda KMG ah Soomaaliya in ay baarto dhacdadii jimcihii lagu toogtay wariye u dhashay dalka Malasia.

Ra’iisal wasaaraha Malasia Najib Razaq ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku joogay dalka Australia, waxana uu horkacaayay aas maanta loogu sameeyay dalkaas Noramfaizul Mohadd Nuur oo ah 39-sano jir kaa oo jimcihii horre magaaladda muqdisho ay ku toogteen ciidamadda AMISOM isagoo la socda koox wariyaal iyo sama falayaal isugu jirra.

Meedka wariyaha ayaa shaley waxa magaaladda Kuala Lumpur ka dajisay diyaarad ay leeyihiin military

Warbaahinta dalka Malasia ayaa si toos u baahineysay aaska loo sameeyay wariye Noraam Fasuul oo ahaa sawir qaade u shaqeeya TV-ga Bernama.

Xarunta saxaafadda madaxa banaan dalka Malaysia ayaa ugu baaqay dowladda Malasia in ay la siiyo wariyaasha dalka qalab ay iska difaacaan xabadda iyo in tababar loo siiyo sidda looga shaqeeyo gobaha dagaaladda ay ka jiraan sida Soomaaliya

Ururka waxa ay sheegeen Noraam iyo in ka badan 50 Maleesiyaan ah mudo todobo maalin ay joogeen magaalada muqdisho iyagoo rabay in ay ka soo waramaan xaaladda abaarta iyo macluusha ka jirta Somalia

Muqdisho ayaa waxa ka mid tahay magaalooyinka ugu qatarta badan aduunyadda waxa lagu dilaa ama lagu abduubtaa wariyaasha iyo ama shaqaalaha Ajanabiga.

Si kastaba Noraam ayaa waxa uu fiska kaga tagay labo caruur ah iyo xaas

Sida ay qortay jariiradda The New Straits Times ee ka soo baxda dalka Malasia Noramfaizul waxa u noqoday wariyhii ugu horreeyay oo Malasiyaan ah oo la dilo isagoo ku jirra howshiisa shaqo waxa uu ahaa 39-sani jir.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: