Calendar

Dowladda Liibiya oo sheegtay inay sii dayn doonto Maxaabiista Soomaalida

liibiyaBartamaha — Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays ayaa sheegay in Dowladda Liibiya ay qorsheynayso inay xurnimadooda dib loo siiyo  maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Liibiya , kuwaasoo la qabtay iyagoo isku dayay inay isaga gubaan dalalka iya iyo Talyaaniga.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran in ka badan 300-dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo  isugu jira rag iyo dumar doonayay in ay uga sii gudbaan dalka Talyaaniga walow ay qab qabteen Ciidanka amniga dalka liibiya  iyagoo qaab tahriib ahaan ah uga baxayay dalka Liibiya kuna socday dalka Taliyaaniga.

Safiirka Dalka soomaliya u jooga dalka liibiya ayaa intaa sii raaciyay in Dowladda Liibiya aysan doonayn in dhalllinyaradaan marka laga siidaayo xabsiyad ay galaan  markale   balsa waxaa uu sheegay in uu jiro qorsha kale oo qorsheynaso Dowlada Liibiya in dib loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray Safiirku in aysan jirin wax jidillo ah oo loo geystay Maxaabiistaas iyo dhibaata intaba  walow horay maxaabiis ka mid ah dhallinyaradaas ay sheegeen in loo geyso dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin jirdilo iyo iyagoo aan la siin cunno ku filan.

Hadlka safiir waxa uu imaanaya xili Tahariib badan ay wali qorshaynayaan sidii uga bixi lahaayen dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaliya kuwaas oo gooba kala duwan u tahriiba.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: