Calendar

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay qax hor leh.

muuqaalka-gudoomiyaha-cusub-ee-gobolka-banaadir

Bartamaha (Mogadishu):- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shacabka ku nool Goobaha Maalmahan Duqeymaha Culus ku socdeen ugu baaqay inay ka qaxaan guryahooda isla markaana ku talagalaan inay Baliibayaan iyaga iyo AMISOM Dagaaladii u qorsheysnaa.
C/risaaq Max’ed Nuur (Ing Nuune) oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen in shacabka laga raro guryahooda si kumeelgaarana loo qaxiyo si looga badbaadiyo Madaafiic ay ku garaaci doonaan Goobaha wax looga soo rido sida uu hadalka u dhigay.
Eng. Nuune oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“Waxaan uga digeynaa meelwalba iyo meeshii la duqeynaa in degdeg loo baneeyo ugu yaraan 2KM laga dhaqaaqo howlgalku howlgal daandaansiya ayuu ahaa waxaa soo daba haayo kii caadiga ahaa ee u qorsheysnaa in Magaalada kuligeed laga sifeeyo kadib dalkoo dhan laga sifeeyo Nimankaa nabadiidka ah waxaan uga digeynaa shacbiga yeysan ku dhiman meel aan munaasib aheyn markii ay dareemaan in aagooda la soo haayo si dag daga howga baxsadaan waa digniin naseexo ah”.
“dowlada dhexe iyo tan hoosaba waxay tas-hiilaad ka bixinayaan habkii ay dadku u qaxi lahaayeen Mudada laga maqnaanayo mudo badan maahan sidii hore camal maahan mudo gaaban baa laga maqnaanayaa haduu Alle yiraa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Eng. Nuune.
Waxa uu intaa ku daray inay madaafiic la beegsan doonaan jiho kasta oo wax looga soo tuuro wuxuuna yiri:“Meel walba oo ay wax ka soo dhacaan cabirkedaa la heystaa dadka degen waa inay ka qaxaan meeshaas daqiiqado kadib waxaa ku soo dhici doono wax jawaab ah waa arimo sir u ah dowlada”.
Ciidamada AMISOM ayaa Xiligan ka wada Magaalada Muqdisho Duqeymo Xoogan oo ay ku Xasuuqmeen Rayid badan waxayna arintani sii murjineysaa dhibaatadii heysatay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Max’ed Max’uud Guuleed gacmadheere ayaa Xiligii uu Wasiirka Arimaha Gudaha ka ahaa Dowladii C/laahi yuusuf sidan oo kale ku baaqay in laga qaxo 10 KM oo square ah taas oo googol xaar unoqotay Xasuuqii ba’naa ee ay Ciidamadii Itoobiya ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Ibraahim Da’ud Abdallle

Xafiiska wararka Bartamaha.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: