Calendar

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u qabsan doonto gobolada Hiiraan Geddo Bay iyo Bakool.

CIDAMBartamaha(Muqdisho):-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dib u qabsan doonto qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya oo hadda ay gacanta ku hayaan kooxaha kazoo horjeedo Dowladda KMG Soomaaliya.

 

Afhayeenka ciidamada Milatariga dowladda KMG Soomaaliya Aadan Max’ud Ibraahin Kaalmooy oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdiho ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib u qabsan doonaan gobolada gobolada Hiiraan Geddo Bay iyo Bakool oo kamid ah gobolada kuyaal badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

 

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in hadda uu jiaan qorshayaal dowladda ay ku dooneyso in halkaasi ay kula wareegto si buu yiri dib loogu soo celiyo goboldaasi gacanta dowladda Soomaaliya.

 

Mr Kaalmooy ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay u ambabixi doonaan wafdi ka socda dowladda si ay ugu qeyb qaataan dhaq-dhaqaayada dowladda ay ku dooneyso in ay kula wareegto gobolka hiiraan.

 

Hadalka maanta kasoo baxay taliska ciidamada Milatariga dowladda KMG ah ayaa yimid xilli dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan dhamaan gobolada 4_ta ah ee aan soo sheegnay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: