Dowladda Holland oo Burcad badeed Soomaali ah Maxkamadaynayso.
Bartamaha (Nairobi):-Dowlada Holland ayaa sheegtay in dalkeeda ay ku maxkamadeyn doonto kooxo burcad badeed soomali ah oo ciidamada Holland ay gacanta ku dhigeen xilli ay isku dayayeen afduub in ay u geystaan markab laga lahaa dalkaasi Germany.
Dowladda Holland ayaa noqoneeysaa dowladdii ugu horeeysay oo Midowga Yurub ah oo Maxkamadeen doonta Burcad Badeed Soomaali ah.
Raggaan burcad badeeda Soomaalida ah oo gaaraya illaa iyo 5 ruux ayaa waxaa la sheegay in ay da’doodu u dhexayso 25 ilaa iyo 45 sano, waxaana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen afuudbka markab xamuul ah oo ay leedahay dowladda Holland xilli uu ku safrayay biyaha gacanka Cadmeed.
Afyeen u hadlay ciidamada badda ee Dowladda Holand ayaa ku waramay in hadii raggaasi lagu hello kiiska ku oogan ay wajahi doonaan xabsi mudadiisu tahay 12 sano.
Kooxaha haatan eedaynta ku wajahaya gudaha wadanka Hollond ayaa waxaa gacanta ku dhigay markabka dagaalka ee dowladda Holland oo qayb ka ah howlaha la dagaalanka burcad badeeda ee Midowga Yurub, waxaana gacanta lagu dhigay 2 bishii janaayo ee aynu soo dhaafnay.
Wakaaladda waraerka ee AFP ayaa ku warantay in kooxahaan burcad badeeda tan iyo markii la qabtay si ku meel gaar ah loogu hayay biyaha wadanka Baxrayn, ayadoo kadibna loo duuliyay magaalada Amsterdam ee dalka Netherland .
Sida laga soo xigtay xafiis ka kala socda dhaqdhaqaaqa badaha caalamiga ah ayaa sheegay in 217 weerar ay qaadeen burcad badeeda Soomaalida sanadkii 2009 iyadoo 409 weerar ay ka dhaceen guud ahaan burcad badeeda caalamka daafaheeda kala duwan.
“Badda Gacanka Cadmeed kaluuumeesadata waxa ay qaateen Hub marka ay kalumeesiga u socdaan†ayuu yiri Bibi van Ginkel oo ah Khabiir ka tirsan Machadka Netherlands Institute of International Relations
Dhowaan ayey eheyd ka dib markii dowladda Jarmalku ay wadanka Holland waydiisatay in lagu soo wareejiyo burcad badeedaasi, inkastoo xukuumadda Amsterdam ay sheegtay in go’aankaasi kaliya uu leeyahay maamulka midowga Yurub.
Wadamada Maraykanka ,Holland Yemen iyo Jarmalka ayaa waxaa dalalkooda lagu hayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah oo lagu eedeeyay In ay ka danbeeyeen weerarro iyo afduub loo geestay maraakiib dowladaasi leeyihiin, waxa ayna arrintaani timid ka dib markii la waayay goob si toos ah burcad badeeda loogu maxkamadeeyo.
Ibraahim Da’ud Abdalle
———————————-
Bartamaha, Nariobi-Kenya
Comments
comments