Calendar

Dowladda Holland iyo Xulufada NATO oo Markab Gujis ah u soo diraya Xeebaha Soomaaliya.

submarine_vanguard_class_nuclear

Bartamaha (Nairobi):-Dowladda Holland ayaa aqbashay codi ooga yimid xulufada NATO oo ahaa in Dowladda Holland ay Maraakiibta Badda Quusta ee loo yaqaan gujis-ka u soo dirto xeebaha Soomaaliya.

“Gujis-ka ay Leedahay Dowladda Holland waxa uu shaqo gali doonaa Bisha December ee nagu soo foolka leh” sidaa waxaa yiri wasiirka Difaaca ee dalka Holland Eimert Van Middelkoop.

Gujiska ayaa loo isticmaali doonaa in lala socdo xiriirka isgaarsiineed ee ka dhexeeya kooxaha Burcad badeedka ah ee maraakiibta afduubta iyo hogaamiyayaashooda dhulka jooga.

Waa markii ugu horeesay ee la dagaalanka Burcadbadeeda loo isticmaali doono Maraakiibta Dagaalka ee loo yaqaan Gujis-ka iyadoo dowladaha Midowga Yurub ay arrinta la dagaalanka Burcadbadeeda dadaalo badan ku bixinayaan.

Hay’ada baddaha aduunka oo iyadu la socota dhaq dhaqaayada Burcad badeeda ayaa sheegtay in uu hoos u dhac weyn ku yimid weerarada ay Burcad badeeda Soomaliyeed geeysteen biliihii ugu horeeyay ee sanadkan marka loo eego sanadii hore.

Todobaadkii la soo dhaafayay ayay aheyd markii dowladda Holland ay shan Burcadbadeed Soomaali ah ay ku xukuntay xabsi shan sano ah kadib markii Burcadbadeeda lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan afduubashada markab ka diiwaangashaan dalka Holland balse laga leeyahay dalka Turkey.

————————-

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Piracy, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: