Calendar

Dowladda Federaalka oo la soo wareegtay daawo ay ugu deeqday Imaaraadka Carabta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R.wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samantar (1)April 20, 2011 — Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay daawo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta taasoo isugu jirtay noocyada kala duwan ee daawada.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali Samantar oo lagu soo hagaajiyay Daawadan oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle ayaa waxay warbaahinta horteeda kula wareejisay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim.

Daawo1

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R.wasaaraha Marwo Sahro ayaa u mahadcelisay Dowladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaana Amiirka Imaaraadka Carabta Amiir Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahayan iyo sidoo kale Khalifa Bin Zayed Foundation waxayna xustay in daawadani ay soo gaartay xilli ay jiraan duruufo dhanka daawada ah “Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda aan walaalaha nahay isla markaana aan saaxiibka nahay ee Imaaraadka Carabta kaalmadan daawada ah waxaana u balan qaadeynaa inaan u maamuli doono si nadiif ah” ayay tiri Marwo Sahro oo sidoo kale tilmaantay in dawadan ay gaarsiin doonaan dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee u baahan ee qaba cudurada kala duwan.

Wasiir kuxigenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo isna saxaafada la hadlay ayaa u xaqiijiyay in daawadan oo tiradeedu dhantahay 11 Tone ay isugu jirto qeybaha kala duwan ee daawada, isagoo balan qaaday inay u maamuli doonaan si cadaaladi ay ku dheehantahay aysana dhici doonin in daawadan si qaldan loo isticmaalo “Sida aad la socotaan xukuumadihii dalka soo maray waxaa dhici jirtay in daawooyinka ama gargaarka Bani’aadaminimo la musuq maasuqo balse xukuumadu waxay balan qaadeynaa in aysan dhicin musuq maasuq” ayuu yiri Mr. Libaax oo sidoo kale sheegay in ay jirto daawo kale oo dhanka badda ku imaan doonta taasoo soo saaran Markab isla markaana ka timid dhanka Imaaraadka Carabta iyo labo isbitaal oo ku taala isla Imaaraadka.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in daawadan ay u qeybin doonaan Isbitaalada ay dowladdu maamusho oo ugu horeeyo Isbitaalka Martiini iyo sidoo kale MCH-yo ay ka hirgelisay degmooyinka Xamarweyne, Waaberi, X/jajab iyo qeybo ka tirsan degmada Hodon wuxuuna xusay in ay jiraan
Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: