Dowladda Dalka Yemen oo xukun dil ah ku riday Burcad badeed Soomaali ah
Bartamaha (Nairobi):- Maxkamad dalka Yemen ayaa dil ku xukuntay lix burcad-baddeed Soomaali ah, lix kale-na xabsi 10 sano ah ku xukuntay iyadoo ay tahay markii ugu horeeyay oo Maxkadmad dalka Yemen ah ay xukun noocaan ah rido.
Burcadda ayaa lagu eedeeyay inay afduubeen markab saliidda qaada oo dalka Yemen laga leeyahay, ayna dileen laba shaqaalihii saarnaa markabka.
Markabka waxaa la afduubay bishii April sanadkii hore, laakiin waxaa dib u qabsaday ciidamada Yamen.
Markii xukunka lagu dhawaaqay, burcadda Soomaalida waxay ku qayliyeen inay san jirin waxa cadayn ah, iyo marqaatiyo danbiga lagu haysto.
Nimanka oo da’dooda ay u dhaxayso 18 ilaa 47 ayaa waydiistay inay racfaan qaataan.
Qaar ka mid ah Burcad badeda ayaa waxa ay ku qeylinayeen markii Xukunku uu dhacayay ma jiraan wax cadeymo ah, ma jiraan wax marqaati ah oo muujinaya in aan nahay danbiilayaal.
Burcad Badeeda Soomaalida ah ayaa inta badan helin Cid u dooda iyadoo dalalka, Yemen, Kenya iyo Mareekanka balse waa markii ugu horeeysay ee Burcad Soomaali ah lagu xukumo Dil iyadoo Boqolaal Burcad Soomaali ah ay wali xabsiyo ku jiraan.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi,Kenya
Comments
comments