Calendar

Dowladda dalka Tanzania oo sharci u balan qaaday Qaxooti Soomaali ah.

AHF1E2

Bartamaha (Nairobi):-Qaxooti Soomaali ah oo gaaraya ilaa 3000 ayaa la filayaa in dhawaan ay helaan Sharciga ama daganaanshaha dalka Tanzania sidaas waxaa sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Qaxootigan dhawaan loo balan qaaday in la siin doono Sharciyada ayaa dalkaasi Tanzania gaaray 1990-kii oo ku beegan xilligii Dowladda Soomaaliya ay bur-burtay.

Mr.Oluseyi Bajulaiye oo ah Wakiilka UNHCR ee wadankaas ayaa sheegay in Xukuumada Tanzania ay isku afgarteen in qaxooti Soomaaliyeed oo ku dhow tiro ahaan 3,000 la siiyo sharci kuwaas oo dalka ku sugnaa tan iyo sanadkii 2005-tii oo laga joogo mudo shan sano ah.

Dhawaan ayaa la filayaa in June 20, 2010 la xuso maalinta Qaxootiga Aduunka iyadoo ay xilligan ku soo beegmeeyso iyadoo Soomaali fara badan ay wali Qaxooti ku yihiin xaafaha dunida

War bixin ay Hay’adda UNHCR ee Q axootiga qaabilsan ay soo saartay sanadkii 2009 ayay ku sheegtay in caalamka dadka Qaxootiga ku ah ay gaarayaa 43 Milyan.

Dagaaladda ka socda dalka Soomaaliya ayaa sababay in ay dalka Soomaaliya isaga Qaxaan Malaayiin dad ah iyadoo wali aysan muuqan in Soomaaliya ay ku socoto tubta nabadda.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Bartamaha, Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: