Dowladda Bahrain oo ku deeqday $3 Million abaarta ka jirta Geeska Africa wadamadda ku yaala oo ay ku jirto Soomaalia
www.Bartamaha.com :- Dowladda Boqortooyadda Bahrain ayaa ansixisay seddax Million oo doollar oo lagu caawinaayo abaarta ka jirta Soomaaliya.
Waxa kalo jirra barnaamijyo iyana ay bulshadda ay kaga qayb gali doonaan warbaahinta dallkaas.Wasaaradda warfaafinta bahrain ayaa sheegtay maanta oo jimco ah in lacago kale laga soo uruurin doono bulshadda dalka ku dhaqan.
Afhayeen u hadlay Idaacadda iyo Talafishanka dalka Bahrain ayaa sheegay in dadka loo furi doono barnaamijyo ka bixidoona warbaahinta dalkaas kuwaas oo ay kaga qayb gali doonaan Taleefonadda..
Waxa aan ku kal soonahay muwaadiinta Bahrain in ay lacago deeqaan bishan Ramadan, oo ka mid ah bilaha ugu wanaagsan ee wax la bixyo ama la sadaqeesto
Si kastaba Waxa soo kordhaya tiradda wadamadda Carabata iyo kuwa islaamka ee ku deeqay soomaaliya abaarta ka jirta gargaar badan.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia
Comments
comments