Calendar

Dowlada Yamen oo Xusul duub ugu jirta samaynta Xarun rasmi ah oo la dagaalanta Burcad Badeeda.

yamanBartamaha( Sanca):-Dowlada Yaman ayaa wada abaabulka samaynta xarun si rasmi ah ula dagaalanta Burcad Badeeda dhibaatada ka wada  Biyaha Soomaaliya.

Xukumada  Yemen ayaa sheegtay  in xaruntaan la dagaalanta Burcad Badeeda ay naqato xarun gobalka oo dhan lagula socdo dhaq dhaqaaqa bur bacad badedda Somalida ah si ay ufududaato cirib jaridda bur cad badeedda arintan ayaa lasheegayaa in ay shaqa bilaabi doonto sedaxda bilood ee ugu horeysa nadadkaan 2010-ka.

Waxa socda qalabeyn lagu hayo xaruntaan oo ay taageera siinayaan ururka bad marenada calamka iyo wadama badan oo ay jaha warerisay burcad badednimada kajirta gacanka cadmed iyo bad weynta hindiya .

Sameynta xaruntaan waxaa xaqiijiyay kuxigeenka agasimaha madaxda howshaan kushaqada leh, Muhammad al-Bawani oo lahadlayay wakaalada wararka .

Sanadhii lasoodhafay ayaa burcad badedda somalida ahi waxa ay qaadeen werarra badan oo kadhan ahaa marakiibta ganacsiga ee kugoosha marinadan muhiinka ah ee, gacanka cadmeed iyo badweynta India .

Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay sanadii 2008- dii qaadeen 140-weerar  waxa ayna ku guuleysteen qafalka ilaa 42 markab iyadoo sanadii 2009- kii,waxa ay Burcad Badeeda qabsadeen 46 -markab waxa ayna weerar ahaan ku sameeyeen 210-weerar oo kakala dhacay gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya.

Hadababa su’aasha taagan ayaa ah Burcad Badeeda ma looga guulaysan karaa Xarunta ay Dowlada Yamen ku doonayso in ay ka samayso dalkeeda si loo wiiqo awooda sii koraysa ee Burcad Badeeda.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: