Dowlada Vietnam oo balan qaaday taageerida Ciidamada Amisom.
Bartamaha(New York):-Dowlada Vietnam ayaa shaaca ka qaaday in ay taageera buuxda la garab isgatayso Ciidamada Amisom Ee ka howlgalaya Dalka Soomaaliya si nabad loogu soo dabaalo dalka ay dagaalada adduunka ka reebeen.
Le Luong Minh Danjirahya Dowlada Vietnam u fadhiya Qaramada Midoobe oo ka hadlayay kulan ay yeelanayeen Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Dowladiisa ay teegeera dhinacyo badan siinayso Soomaaliya.
Le Luong Minh ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay yihiin kuwa ku dhiiraday dhibaatada Soomaaliya ka jirta sidii ay u damin lahaayeen sidaasi darteedna ay Dowlada Fiyatnam ay teegeera siinayso Amisom.
Danjiraha ayaa ugu baaqay Amisom in ay dhaqdhaqaaq ammaanka lagu sugayo ay samayso si nabada loo adkeeyo dowlada Viatnamna ay ka saacidayso dhanka hubka iyo saanada.
Balan qaadka Dowlada Vietnam ayaa ah mid afka oo kaliya xiligan ku kooban balse aanay jirin wax ka baxsan balan qaadka oo ay ku dhaqaaqday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments