Dowlada Ugandha oo qirtay in ay jiraan saraakiil iyo Ciidamo kaga dhintay weerarkii Ismiidaaminta Ee Shalay dhacay.
Bartamaha (Kampala) Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii shalay ay ku dinteen saraakiil Ciidamada Amisom ka tirsan iyo askar dhaawacyo ay ka soo gaareen gawaarida isqarxisay.
Afhayeenka u hadlay Ciidamada Militariga Dowlada Ugandha ayaa qiray in ay geeriyoodeen saraakiil uu ku jiray taliyaha Ciidamada Burindi ahaana taliya xigenka Amisom Gen.Juvenial iyo saraakiil kale.
Afhayeenka ayaa sheegay in illaa 9-saraakiil iyo Ciidama isugu jira ay ku dhinteen weerarka halka 15-kale dhaawacyo ay soo gaareen oo uu ku jiro taliyaha guud Ee Ciidamada Amisom .
Sargaalkaasi ayaa waxa uu qiray in weerarkaasi uu ahaa midkii ugu qasaaraha badnaa ee soo gaara Ciidamada Amisom tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen balse uu sheegay in ay soo gudbin doonaan qasaaraha dhabta ah ee gaaray Amsiom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments