Calendar

Dowlada Turkiga oo beenisay inay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Soomaliya

Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Turkiga ayaa beenisay warar sheegay in dalkaasi uu joojiyay dhaqaalihii lacageed ee uu siin jiray Soomaliya.

War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dowlada Turkigu ka shaqaynayso sidii sanadkaan 2014-ka ay usiin lahayd Soomaliya gargaarkii ay ugu tala gashay inay ku taageerto dowlada Soomaliya.

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in lacag cadaan ah ay udirtay Soomaliya intii udhexaysay bishii JUN illaa iyo bishii December, kadib markii uu madaxweynaha Soomaliya ka codsaday in laga taageero dhibaato dhanka maaliyada ah oo soo food saartay.

Turkiga ayaa sheegay inuu sii wadi doono mashaariicda horumarineed uu ka hayo Soomaliya, waxaana warbixinta lagu xusay in muddadii uu turkigu bilaabay taagerada uu siiyo Soomaliya ay wax badan ka qabteen arrimo ay kamid yihiin, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhismaha waddoyinka.

Todobaad kahor ayaa waxaa sobaxay warar sheegaya in dowlada Turkigu hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay dowlada Soomaliya, waxaase muuqata in Turkigu uu weli sii wado dhaqaalaha uu ugu yaboohayo Somaliya.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: